Seynab Laba dhagax Oo fanka isaga baxday -Sababta daawo

Bulsha:- Saynab laba dhagax oo ka mid ah fanaaniinta ugu caansan Fanka Soomaaliyeed ayaa qoraal ku astaysan 31 julay 2014 ay soo dhigtay Facbook ku sheegtay in ay joojisay howlahii fanka sanadaha badan ku jirtay.

Waxa ay qoraalkeeda ku dalbatay in aan laga codsan in Hees wax ka qaado nuucee doonta ha ahaatee ama abwaano heeso u dhiiban waxa ay xaqiijisay in dhamaan arimahaa oo dhan go’aan ka qaadatay oo aysan dib ugu laaban doonin.

Ugu danbayntii ayay ugu yeertay dhamaan fanaaniinta fanka jecayl in ilaahay wadada xaqa tusiyo waxa ayna qoraalkeeda sii raacisay in ay adag tahay in hadalkeeda la aamino balsa dhab ka yahay.

Waa markii ugu labaad Saynab laba dhagax go’aan nuucaan ka soo baxo tan iyo wixii ka danbeeyay 1995 xiligaa ay fanka Soomaaliya ku soo biirtay



Laba dhagax ayaa sheegtay in ay hakisay sidoo kale Albunkeeda cusbaa ee Guul oo sida ay sheegtay dhaqaalo badan ka galay waxa ayna tilmaamtay in go’aankaa uu gooni u yahay kana laaban doonin sida ay xustay .







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment