19-ka May 2017: Waa Maalin Qaas U Ah Arjun Kapoor Iyo Shraddha Kapoor Sidee Ku Dhacday Aqriste

Bulsha:- Arjun Kapoor iyo Shraddha Kapoor waxay dhigteen balan ay daawadayaasha kusoo jiidan doonaan madaama ay shaaca ka qaadeen muhiimada ay u leedahay 19-ka May 2017 maalinta ay ku beegan tahay.

Hadaba 19-ka May 2017 Arjun Kapoor iyo Shraddha Kapoor waxay qaas ugu tahay in si rasmi ah loo shaaciyay in filimkooda Half Girlfriend xiligaas la daawan doono.

Arjun Kapoor ayaa baraha bulshada soo dhigaay qoraalkaan “Waxaa ka harsan daawashada filimka Half Girlfriend 13-todobaad iyo bar nala soco aniga iyo Shraddha waxa qaas inoo ah 19-ka May 2017”

Arjun iyo Shraddha ayaa filimkaan inta badan cayaari doonaan Basketball kubada koleyga sidoo kalena qaybo ka mid ah dalka Mareekanka ayay kusoo duubeen.

Filimka Half Girlfriend oo fariin jaceyl xambaarsan waxaa Director ka ah Mohit Suri oo horey u sameeyya filimada hirgaleen sida Aashique 2, Ek Villain iyo kuwo kale.
Filimka Half Girlfriend sheeko ahaan waxaa laga soo min guuriyay buuga uu qoray qoraaga caanka ah Chetan Bhagat waana sheeko siweyn loo wada sugaayo daawashadeeda.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment