Bulsha:- Waxaan Go`aansaday inaan idiin dulmaro arin igu dhacday mudo kahor ilaa hadana ihaysata , aad ayaan run ahaantii ugu wareeray , waxaana rabaa inaan idiin sheego si aad iiga siisaan talo walalayaal.
Kadib markaan guursaday Nin , aan u malaynayay inaan cimrigayga inta iiga dhiman la wadaagi doono farxad & rayn rayn laakiin waxaa kala kulmay dhibaato kala duwan .
Waxaan ahayn Qoys raadiya in ay helaan caruur waliba dadaal dheer u gali jiray sidii ay ku heli lahaayeen caruurtaas , 4sano kadib ayaan waxaan yeeshay uur.
Intii aan la noolaa ninkaan waxaan ogaa inuu ahaa nin aniga qiyaano igu wada , waxaan marar badan kala hadlay qiyaanada uu igu wado inuu joojiyo , run ahaantii wuuna inkiri jiray inuu yahay nin qiyaano igu wada , waana iska dayn jiray waliba xiligii aan uurka lahaa .
Maalin ayaa waxaa xaafada nagusoo Booqday dhalinyaro badan oo ay ku jirto gabar uu yaraantiisii jeclaa waliba waxaan u fahmay in dhalinyaradaan ay ahaayeen kuwo wato qorshe ay labadaan qof ku kulmayaan , maalintaas si aad ah ayaan uga xumaaday waana kala hadlay wuxuuna ii sheegay inuu aniga kaliya Ijecelyahay.
Waxaan Go`aansaday inaan la joogo sababtoo ah waxaan lahaa uur , waxaadna dareemi kartaa naag uur leh oo gurigeeda dhibaato qabsato , waxaana sidoo kale go`aansaday inaan dulqaato inta aan kadhalayo .
Hada waan dhalay alxamdulillah , cunigaygana wuu caafimaadqabaa , aniga iyo aabaha dhalay cuniga dhamaanteen waan jecelnahay cunigeena waana ku faraxsanahay noloshiisa , lakiin xiriirka naga dhexeeya aniga iyo ninkayga maahan xiriir shaqayn kara , mana iloobi karo waxa uu igu sameeyay waliba xili aan dhibanaa , wuxuu lumiyay aaminaadaydii & waliba jaceylkii an u qaaday , waxaana rabaa inaan iska furo .
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment