Bulsha:- Waxaan ahaa mid jecel in uu aad ula bashaalo gabdhaa mana ka fiirsan jirin waxaan faalayo. Maalin maalmaha ka mid ah ayaan hurdo ka soo kacaay waxaan go’aan ku gaaray in aan galabta aanan bixin oo aan facebook ku baashaalo sidi cadada ii ahayd gabdhaha magac been ah magaalo beena ayaan u sheegan jiraay sawiro anaan ani ahayna waan u diri jiraay.
Markan shiday Cumputerkii Ayaa waxaa DurbaGalay Facebook MarkaaayaanEegay Asxaabta IguJirtay Gaar ahaanaHablaha Waxaa Indhaha Qabteen oo online i ahayd Ifraax oo anaan waligey La hadlin,salaan Ayaan Ku boobsiyay si dagaan ah la iga qaaday waxaan cabaar barasho wadnaba aad baay i soo jiidatay hadaladeeda waxaba jeceleystay in ilaa cabaar ila sii hadasho wayse i cudur daaratay,
Waxaan Bilaabay In aan Maalin Walba Qadka Joogteeyo Si aan u Fiiriyo in Ifraax aay ku jirto Nasiib Daro Se Kuma aysan Jirin,muddo marki laga soo wareegay oo Labo Isbuuc aan La Is Arkin ayaa Maalin fariin u qoraay . Waay iga soo jawaabtay waxeyna i sheegtay in aay iska mashquushay Isla Markaana aysan facebooka ku ahayn jooogto Caamir wuu is badalay wuxu gabdho badan ba ku ciyaaro caawa naftiisa caashaq galay.
Gabadha uu rabana ma yaqaano magaaladay ku nooshahay caamalka meelay uga taalo Caamir wuu is badalay xataa dadki tirada badana oo uu chatka iskula hadli jireen uma jawaabo .
Maalinkii danbe wuxu ka codsaday ifraax in aay u sheegto meeshay dagan tahay waxay tiri:
Ifraax : Waxaan daganahay London walalo
Caamir : Alla nasib badaniyaa ana london
Ifraax : maxa qabataa ma arday ba tahay mise xaasle
Caamir : Xaasle ma ahi waligeyba ma arag gabdh i qancisay
Ifraax: kkkkkkkkkkkkkk ma dooq xun tahay maxan ku diiday inaad mid xulato .
Caamir oo dhidid wada qoyay korkiisa baa Ifraax ka codsaday in aay siiso lanbarkeeda Telka Guriga Ama Gacanta Mid Uun uu Kala Xariiro Nasiib Wanaagse Ifraax wey ka ogoolaatay .
Caamir farxad ayaa wajigiisa laga dareemayay,marki uu ka baxay qadka ayuu wacay Ifraax isla ayadana ka qabtay wada hadal badan ka dib waxa ay ku heshiyeen in is barashadu intaas dhaafto oo la kulmo, kulamo badan ka dib,Caamir wuxuu aad uga helay dabeecada ifraax iyo quruxaa ilahay siiyay,Caamir noloshii qiyaaliga ahayd buu la diriray wuxu noqday nin shaqaysto oo mustaqbal u diyaar garoobay.
Xiriirki ka dhaxeeyay Ifraax iyo Caamir wuu xoogaystay Ifraax na ayana xageeda waay ka heshay Caamir ,In muda marki la wada socday baa Jaceyl La sii Jiidaba Nolosha Mid Ba Midka Kale u Hibeeyo Wallow Wax walba Waqti Yar ay Ku Socdeen Ayaaa maalin Caamir casuumaad u fidyaay Ifraax wayna ka aqabashay,Waxaa Lagu Balamay Oo La Isugu Yimid Meel Yar oo Laga Cuneeyo Jawi Dagan ahna Leh Meel Gadaalo ayaa La wada Tagay wada hadal ka dib cunto la dalbaday wana la wada cunay.
Caamir oo aad Moodo In Faras Qoobka Kaga Taagan Yahay Ayaa hadalkii qaatay oo yiri waxaan caawa halkaan kugu casuumay in aan ku sheego hal arin waxaana jecelhay in aad iga aqbasho,
Ifraax oo laga dareemayo daganaan ba tiri haye sodaa,Caamir wuxuu u so ban dhiaay Guur waliba isla bishaan xigta in uu soo donanayo oo aay wada aqal gali doonaan,Ifraax waay ku haminaysay mar un in aay ka baxdo noloshan kalinimada ku Dhisan waxay tidhi waa yahay waxan la socod siinaya Habaryartay Koos oo aan la nolahay.
Halkaa Baa Balan Lagu soo Kala Taaqatay Qof Walba In Dhankiisa uu Kasoo Dadaalo waana la soo kala tagay Ifraax waxay sheekadi min bilow min dhamaad u sheegtay habaryarteed koos ,waayna ugu hanbalyeysay sida quruxda badan aay u sharaftay uguna sheegtay wax kasta,koos waa ifraax habaryarteed soo korsatay ifraax hooyadeed maalinki aay umushay bay dhimatay.
ifraax mar dhow bay ogaatay in Koos aysan dhalin balse dhibka jira waxay tahay Abaha dhalay ifraax waligeed ma arkin mana aysan raadin, Habaryarteed koos markaan gabadhii waa laga guursanaya waxaa qasab ku noqotay in aay raadiso Daahir oo ah aabaha dhalay Ifraah baadi goob badan ka dib waay ku guulaysatay in aay hesho,Daahir waxaa uu ku nool yahay isla caariga ingiiriska waligiis habeen kuma riyoon gabadha Ifraah baa kugula nool carigaan ingiriiska,Maalinkii hooyadeed dhimatay bana ugu war danbaysay. Daahir wuxu guursaday dhowr haween oo kale ilmo badaan ba u joogaa Isla wadanka ingiriiska,Daahir wuxu soo abaaray xaafadii lop tilmaamay ee gabadhiisa wuxu yimid gurigi waxaa ka furtay ifraah.
qofkii aan isku aqoon haduu arko wuu fahmaya in uu yahay ifraah aabaheed barasho ka dib ifraah waxaay ku ooysay aabaheed waxaay dusha ka saartay eed badan, wuu ka raali galiyay wuxuuna ku qasbay in ay caawa raacdo si ay u soo barto reerka, Markii la tagay gurigii oo ay bartay reerkii dhamaa ayaa la yidhi waxa maqan walaalkada kale oo laakiin aysan dhalin eedo muxubo oo hadda duq Daahir qaabo, waxaa la wacaay wiilkii Marki allbaabka la furay waxaa isku dhacay indhihii ifraah iyo Caamir.
shaki ba soo kala dhax galay naxdin iyo farxad ba soo wajahday Caamir wuu ka soo dhaqaaqi waayay meeshu taagnaa aabihiis ba yiri war Caamir gabadhaaa waa walaasha Ifraah aan ku sheegi jiray….!!!!!!!Yaaah Yaaah Ooh BaaHadal Ugu Dambeysay Caamir naxdin meeshi buu dhulka ku dhacay ifraah xishood iyo naxdin baa iskugu darsoomay waxa la mooday farxad darteed in uu la suuxaay,Waxa KaDhaxeeya Ifraax iyo Caamir Cid Og Majirto oo aanayaga Aheyn waxaa loo yeeraay anbaalaski wayna timid waxaa loo qaaday isbitaalka wuxu suux sana ugu yaraan 4 saacadood markuu soo miyir saday oo u arkay ifraax iyo abihiis iyo walaaldiis oo dul tagaan buu,ku qayliyay,Guurka badan gabadhaha ku xumaado,aabow gabadhaan Walaashey baan guursan rabay qaladkaasna aduu ahaan lahaa.
Duq Daahir naxdinDarteed afka bu gacanta sartay Amaag Baa MeeshiiKa Dhacay ifraah oohin badan Bey Meel LaFariisatay ka dib familkii way midoobeen.
Ifraah iyo Caamir waa walalao mar isku sabab ahaa in ifraah hesho waalidkeed , Daahir wuxu isku keenay wixii ilmo uu naago qarsoon xata ka dhalay wuuna ka shalaayay dhibka uu maanta horseedi lahaa ilmahiisa,wuxu ilmahiisa kula dardarmay in ay soomalia u racaan,wiilashii waxaa loo guuriyay gabdho gabdhihina waxaa loo guuriyay .
Ifraah waxaa lagu daray wiil abtigeed Ibaraahin dhalay, Halka caamirna uu asna lagu daray gabdaha adeerkiis Shariif dhalay ee Hani .
Dhamaad.
Aqristow Dulucda Sheekadaan aan Ka Faa,idi Karno ayaa Waxaa ay Tahay In Aaan Iska Ilaalino Waxyaabo Badan oo Dhib u Keeni Karno Mustaqbalkeena Gaar ahaana Guurka Waa Shey Adag oo La Baahan Yahay In Laga Taxadaro,Si Caruurtaada Aysan Ugu Dhicin Dhibaatadaan oo Kale..
N:B Aqristow Qisadaan Xanuunka Badan Marna La Yaabka ah ee Shabakada soomaalida.net.Idin soo Tabisay Sidee u aragtaa Marka aad Aqrisayna Dareen Intee La eg Ayey Kugu Reeb, Hadaba Comment kaada Hoos Ku Reeb Ama Emailka Hoos Ku Qoran Inoogu Soo Dir Fikirkaada
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment