Bulsha:- Waa wax la wada ogyahay in filim sameynta aysan raqiis ahayn waxaana ku baxo qarash xoogan sidoo kalena mararka qaar miisaaniyada loogu tala galay ka badan ayaa filimada qaar ku baxdo.
Balse waxaan fiirin doonaa jilaayaasha qaar ee Bollywood-ka ka tirsan marka ay soo xirteen ama loo soo galiyay labiska ugu qaalisan oo ay filimada ku jileen.
Fadlan hoos kaga bogo xidigaha Bollywood-ka ka tirsan ee labiska ugu qaalisan soo xirteen kuna jileen filimada ayagoo hadal xoogan abuureen:
Kangana Ranaut (Krrish 3): xidigtaan filimka Krrish 3 doorka laadarnimo oo ay ku jileyso waxay wadataa labis u gaar ah oo si gaar ah loo soo naqshadeeyay inta badan.
Kangana waxaa loo soo sameeyay sawirka idiin muuqdo labiska ay wadato kaasi oo qarash ahaan ku fadhiyo 10 Lakh ($15,151) weliba labiskaan 10-joog ayaa looga sameeyay oo ay soo xiratay inta duubista socotay, michana 10-ka joog oo ay xiratay mid walbo wuxuu ku fadhiyaa 10 Lakh.
Deepika Padukone (Bajirao Mastani): Atirishadaan caanka ah dharka labiska hidaha iyo dhaqanka Hindiya oo ay soo xiratay filimka Bajiro Mastani waa mid hadal xoogan abuuray.
Deepika labiskeeda saarida iyo xariirta loo xiray oo isugu jirto katiin, dhago iyo faraanti qiimo ahaan waxay ku fadhiyaan 48 Lakh ($72,727).
Hrithik Roshan (Jodha Akbar): Super Star-kaan filimka uu abaal marinta atooraha ugu wanaagsan ku qaatay dharka lo xiray ee hidaha iyo dhaqanka Hindiya ahaa qiimo ahaan wuxuu ku fadhiyay 2 Lakh ($3,030).
Kareena Kapoor (Kambakht Ishq): Xidigtaan waxay filimkaan ku jileysaa mid xarago badan sidaa darteed labiska mid ahaan maddow ee sawirka idin kaga muuqdo waxaa laga soo iibiyay magaalada Paris wuxuuna qiimo ahaan ku fadhiyay xiligaas 8 Lakh ($12,121).
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment