Bulsha:- Madaxweynaha Soomaaliya ayaa saakay aroortii xilliga Muqdisho ku dhawaaqay Ra’isulwasaaraha cusub ee SOomaaliya wuxuuna u magacaabayy Xasan Cali Kheyre.
Xasan Cali Kheyre waa Ninkii ugu horeeyey ee ku abtirsado Beesha Murusade ee laga dhigo Ra’isulwasaare taariikhda Soomaaliya, wuxuuna fursadaas ku helay dagaalka culus ee Siyaasadda ee ka dhex jiray Habarfidir iyo Abgaal.
Siyaasadda kuma lahan wax lug ah, wuxuuna madax ka ahaa Hay’adda NRC ee laga leeyahay dalka Norway. waa Nin Aqoon yahan ah ee Bulshada uu lasoo shaqeeyay aad u jecel yihiin Wuxuu Heystaa Dhalshada Norway, waana mid kamid ah dadka qurbajoogtada ah.
Wuxuu Soomaaliya u matalayey shirkada SOMA and OIL oo soomaliya
Markii hore waxaa lagu eedeeyey inuu Al-Shabaab xiriir la leeyahay balse waxaa arrintaan baaritaan ku sameeyey oo ku waayey Guddiga Cunqabateynta qaramada Midoobay oona Hadalkaas Beeniyay.
Xasan cali Kheyre Ayaa ah nin Shaqa badan lehna Howl Karnimo Sida ay xaqiijiyeen Rag Sxbo dhow La ah
Ninkaan ayaa ah Nin ay kago an tahay in uu Maanta Wadanka Xaalad Fiican U horseedo
Waxaa Golaha Baarlabaanka Lagafilayaa in ay ansixiyaan Madaama uu Xasan Cali khayre uu Yahay Ruux Aqoon yahan ah Lehna Qibrad Shaqo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa go’aansaday inuu ninkaan ka dhigo Ra’isulwasaaraha cusub ee Soomaaliya waana la Sugayaa sida Quruxda Badan ee Uu Kusoo Dhiso golahiisa Waziirada , waxaana ka rajeeneynaa inuu dalka wax u qabto noqdana kii anfaca Soomaaaliya Insha alh.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment