Waa Nin Caynkee ah Raysalwasaaraha Cusub ee Dawlada Somaliya (Warbixin)

Bulsha:- Ra’isul Wasaaraha la magacaabay, inta aan loo dhiibin xafiiska Muqdisho ee Soma Oil and Gas, waxaa uu muddo ahaa agaasimaha bariga Afrika ee Norwegian Refugee Council.

Xasan Kheyre waxaa jagooyinka uu soo qabtay ka mid ahaa isagoo madax ka noqday Soma Management Ltd, waxaa uu lataliye iyo xiriir soke la lahaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud.

February 17, 2016: UN Monitoring Group ayaa soo saaray warqad ay ku dalbanayaan in la baaro Xasan Kheyre dhaq-dhaqaadiisa xagga cashuuraha, lacagaha ugu jira Bangiyada, iyo credit cards-kiisa, iyagoo ku eedeeyay in ay ku tuhmayaan in uu xiriir la leeyhay kooxo ay ka mid tahay Xarakada Al-shabaab.

June, 9, 2016: Warqad La daabacay, waxaa ay UN monitoring ku Bari yeeleen Xasan Kheyre in uu wax xiriir ah la leeyahay kooxaha loogu yeero argigixisada, iyagoona arintaasi meesha ka saaray..

Muddadii uu madaxda ka ahaa xafiiska Muqdisho ee Soma Oil and Gas, waxaa shirkaddaas lagu eedeeyay musuq iyo heshiisyo been-abuur ah.

Tusaale ahaan:

August 1, 2015: Xafiiska baarista dambiyada halista ah ee dalka Ingiriiska ayaa shaaciyey in la furey gal dacwadeed ka dhan ah shirkadda shidaalka ka baarta Soomaaliya ee Soma Oil and Gas ee laga leeyahay dalkaasi Ingiriiska.

August 6, 2013 : Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis la saxiixatay shirkadda Soma Oil and Gas , oo ah shirkad markaas uun la sameeyey oo laga leeyahay dalka Ingiriiska , hawsha ay qabanayso shirkada waa uruurinta macluumaad la xiriira keydka shidaalka ee badda Soomaaliya.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment