Shahid Kapoor Oo Go’aan Ku Gaaray Inuu Soo Gaba Gabeeyo Dagaalka Qabow Ee Kangana Kala Dhaxeeyo

Bulsha:- Shahid Kapoor iyo Kangana Ranaut dhawaanahan dagaal qabow ayaa ka dhex jiray waxayna saxaafada isku marsiiyeen hadalo mid walbo midka kale ku weerarayo.

Kangana Ranaut dhawaan waxay ka dhawaajisay inay Shahid Kapoor waqti dhib badan oo qarow ku dheehan la qaadatay xili ay filimka Rangoon ku duubayeen meel magaalada ka baxsan oo aan wax walbo laga heli karin.

Kangana waxay sheegtay in hal goob ay wada seexan jireen Shahid iyo dhamaan kooxda filimka Rangoon balse uu xidigaan ahaa mid dabeecad qalafsan kaasi oo subaxdii hore muusig shito tababarna sameeyo halka Kangana xiligaas jeceshahay inay iska jiifto.

Dabcan Shahid kama uusan helin Kangana waxa ay ka sheegtay wuxuuna ugu jawaabay inay Kangana tahay qof ku hadasho wixii maskaxda ama maanka kaga soo dhaco sidoo kalena hadalkeeda kasoo qaad laheyn.

Kangana iyadana meeshaas kama harin waxay Shahid Kapoor u sheegtay inuu hadalasiisa adeegsado balse uusan adeegsanin hadalo Hrithik ayada ku wareeri jiray laguna yaqaano Hrithik inuu dhaho Kangana waa qof madaxa wixii uga soo dhaco isaga hadasho.

Hadaba Shahid Kapoor si uu usoo gaba gabeeyo dagaalka qabow ee Kangana kala dhaxeeyo wuxuu yiri “Ma doonayo cayaaro teyniska miiska lagu cayaaro ama aan hadal walbo sii daba galo, waxaan ka rajeyna Kangana inay wax walbo soo gaba gabeyso”

“Kangana waxaa laga rabaa inay horey u socoto sidoo kalena dhamaan jilaayaasha la shaqeeyaan ama la shaqeyn doonaan ay si wanaag iyo qalbi furnaan kula shaqeyso, anigana xushmad weyn ayaan u hayaa iyo isbiirit dheeraad ah madaama aan Rangoon shaqo qurux badan ka qabanay”
Dabcan Shahid Kapoor si qurux badan ayuu Kangana ula hadlay hadii ay wax fahmeyso waxaana xusid mudan in labadaan jila filimkooda Rangoon la daawan doono maalinta Jimcada ah ee taariikhda ku beegan tahay 24-ka bishan Febraayo.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment