Feroz Khan Oo Ciqaaabi Jiray Atarishada Bari Samaadki Zeenat Aman Markee kasoo Dib Dhacdo Filim Duubista!

Bulsha:- Atariishada barisamaadki laga dambeeyay ee Zeenat Aman aya cadeesay in halyeeyga bollywood Feroz kHhan hada ka hor ku ciqaabay iney bixiso miishaarka ama lacagta kooxda filimka ‘Qurbaani’ kadib markee kaso dib dhacday duubista filimka ‘Qurbaani’ mudo halsaac ah.

“Feroz khan wuxuu ahaa nin shaqadiisa daacad u ah kuna ad adag shaqadiisa. Intaan ku guda jirnay duubista filimkii ‘Qurbaani’ ayaan kasoo dib dhacay mudo hal saac ah kadib Feroz ayaa igu yiri bixi mushaarka halkaas saac aad soo daahday waliba sii dhamaan kooxda filimka.

Xaqiiqdi waxaan u heystay inee kaftan ka aheyd balse daacad aye ka aheyd. Wan bixiyay lacagti maalintas wixi kadambeyay kama soo dib dhicin” aye tiri zeenat iyadoo ku sugan tv show,’MY LIFE MY STORY.’

Dabcan cashir bey uheyd ciqaabtaas Zeenat Aman. Iyadoo ka hadleesa showga waxay tiri,”MY LIFE MY STORY”waa wax yaab leh.

“Waxaa jiraan qarnigaani dad badanoo daawadaan aflaantaan classic da ah waana kuwo qalbiyada iyo dareemahada taabanaya.”

“aflaanta waxay dib kuugu celiyaan waqtigii hore sidoo kale waxaad soo xasuusaneesa maalmihi wacnaa ee kusoo maray tusaale ahaan xiligii iskuulka aad dhiganeesay amaba hees kuu qaas ah oo markaas niyada kaga soo dhacdo, xiliyadii aad soo ciyaari jirtay bilowgii noloshada ama xiligii koowaad ee jaceyl kugalay.
Aflaantu waa waxa dadka xusuusta ku beera qaasatan xiliyada ay faraxsanyihiin.”

Qeybta ‘my life my story’ ay hagi doonto Zeenat Aman waxa lagasoo deen doona Zee classic sabti kasto todobaadkii hal maalin.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment