WARBIXIN CAJIIB AH :Maxay Tahay Sababta Loogu Diiday Shraddha Kapoor Inay Saacadeeda Iyo Mobile-keeda La Imaado Goobta Filimka Haseena Lagu Duubayo

Bulsha:- Atirishada la wada jecel yahay Shraddha Kapoor waxay haatan duubeysaa filimka Haseena oo looga hadlaayo nolosha Haseena Parkar oo ahaan jirtay gabbar Gangester ah oo Mumbai caan ka ahayd 90-kii.

Hadaba Shraddha Kapoor waxaa loo diiday inay usoo qaadato saacad ama Mobile goobta filimka Haseena lagu duubayo mana ahan arin kaligeed gaar u ah ee dhamaan kooxda filimkaan ayaa la dul dhigay xayiraadaan.

Madaama haatan ay dhiseen kooxda filimka Haseena dhismo loo ekeysiiyay 70-kii, 80-kii iyo 90-kii xili ahaan dhamaan kooxda filimkaan saacad iyo Mobile waa loo diiday inay soo qaataan.

Sababta ugu weyn tahay dadka filimkaan jilayaan oo ay ugu horeeyaan Shraddha iyo walaalkeed Siddhant in loo diiday xirashada saacadaha casriga ah waxaana loo keenay saacadihii 70-kii iyo 80-kii la adeegsan jiray iyo dharkii xiligaas la qaadan jiray.

Sidaa darteed saacadaha waxaa loo mamnuucay in qof wato saacad casri ah filimkaan wax ka duubo hadhowna fariintii 70-kii iyo 80-kii ka hadleesay fashil ku imaado.

Sidoo kalena taleefonada gacanta waxaa loo diiday in sawiro laga qaado goobta filimkaan lagu duubayo oo saxaafada lala wadaago iyo sidoo kale dharka la xiranaayo iyo taleefoonada xiligaan la adeegsado isla jaan qaadi karin.
Waa ceeb filim fariintiisa 70-kii, 80-kii iyo 90-kii ku saabsan lagu arko qof Smart Phone wato lagu dhex arko ayadoo la taxadiraayo ayaa loo sheegay dhamaan shaqaalaha filimkaan oo ay ugu horeyso Shraddha Kapoor inay taleefanadooda gacanta iyo saacadahooda kaga soo tagaan gaawirada ay wataan ka hor inta aysan soo galin goobta filimkaan lagu duubayo oo ah duleedka magaalada Mumbai.

Filimka Haseena waxaa Director ka ah Apoorva Lakhia waxaana la daawan doonaa 14-ka bisha July 2017 waana filim siweyn loo wada sugaayo.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment