Ma Ahan Oo Keliya Qoyskiisa – Salman Khan Oo Lasoo Bandhigay Sabab Kale Oo Aan Lagu Gaari Karin

Bulsha:- Jillaaga caanka ah ee shirkadda aflaanta Bollywood Salman Khan waxaa lagu yaqaanaa inuu yahay deeqsi aan waxba ka hagran qoyskiisa gaar ahaan walaalihiis iyo xitaa ragga ay u dhaxaan gabdhaha la dhashay.

Si kastaba ha ahaatee, Sallu Bhai caawinaaddiisu intaas oo keliya kuma koobna, sidoo kale wuxuu markasta taageeraa gabdhihii uu xiriirka jaceyl lasoo yeeshay, sida ay muujinayaan caddeymo lasoo bandhigay.

Xaqiiqadu waxay tahay, Salman Khan wuxuu jecel yahay inuu caawiyo dadka ku xeeran oo dhan, xitaa caawinaaddiisa kama hagrado hablihii uu lasoo sameeyey xiriirka jaceyl ee fashilmay.

Tusaale wanaagsan waxaa loo soo qaadan karaa atariishada caanka ah ee Bollywood Katrina Kaif taasoo uu markasta caawiyo 51 sanno jirkaani. Sidoo kale gabadha haatan lagu xanto ee Iulia Vantur wuxuu ka caawiyey inay saameyn muuqata ku yeelato Bollywood.

Guddoomiyaha shirkadda faashiyoonka Splash Raza Beig oo saaxiib dhow la ah Salman Khan ayaana daaha ka qaaday inuu jillaagaan caanka ah jecel yahay inuu caawiyo dadka ku xeeran oo dhan, ma ahan oo keliya qoyskiisa.
Dhanka kale, Salman Khan ayaa wuxuu hayaddiisa Being Human ambaashadoor uga dhigay atariishada dhallinyarada ah Amy Jackson, kuna darso Salman iyo Amy ayaa lagu xamanaayey inuu xiriir jaceyl ka dhexeeyo ka hor inta aysan meesha soo gelin modelka u dhalatay dalka Romania Iulia.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment