Bulsha:- Atooraha dhalinta yar ayaa codsi la yaab leh saxaafada Hindiya usoo jeediyay wuxuuna ka dalbaday inaan sawir laga qaadin isaga iyo gabadha lagu xanto Disha Patani oo isla socdaan hadii la arko.
Bilawgii todobaadkaan ayagoo waqti isla qaadanayaan Tiger Shroff iyo Disha Patani waxaa sawiro xatooyo ah ka qaadeen kuwa loo yaqaan Paparazzi ama sawir qaadayaasha Hindiya ee dhibka badan.
Tiger Shroff ayaa sawir qaadayaasha u sheegay inaysan mar dambe isaga iyo Disha Patani oo isla joogaan wax sawir ah ka qaadin qofkii sidaas sameeyana uu sharciga la tiigsan doono.
Tiger Shroff si codsigiisa uusan mid afka kaliya u noqonin warqad rasmi ah oo si sharceesiyan loo diyaariyay kuna saxiixan yahay xidigaan ayaa loo diray dhamaan sawir qaadayaasha ku mashquulaan inay nolosha jilaayaasha Bollywood-ka banaanka soo dhigaan.
Tiger Shroff ayaa sheegay in Disha Patani ay xaq u leeyihiin in noloshooda culeeska laga qaado balse ay tahay arin dhib badan talaabo walbo oo ay qaadaan labadaan lamaane in banaanka lasoo dhigo.
Dhinaca shaqada Tiger Shroff wuxuu ku mashquulsan yahay dhameestira filimkiisa Munna Michael oo la daawan doono 7 bisha July 2017.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment