Varun Dhawan Oo Qalbiga Ka Jebin Doono Jaceylkiisa Natasha Dalal Madaama Maalinta Jaceylka Aduunka Uu Alia Bhatt Waqti La Qaadan Doono

Bulsha:- Varun Dhawan waa wax la wada ogyahay sidoo kalena qoyskiisa ka warqabaan inuu saaxiib la yahay gabadha ay tan iyo yaraantiisa aqoon isku lahaayeen Natasha Dalal.

Balse waxaa la sheegay in maalinta jaceylka aduunka oo ku beegan 14-ka bishan Febraayo in Varun Dhawan jaceylkiisa Natasha Dalal qalbiga ka jebin doono.

Sida ay Business of Cinema qortay Varun Dhawan wuxuu maalinta jaceylka aduunka waqti la qaadan doonaa atirishada ay isku dhow yihiin isna fahansan yihiin Alia Bhatt.

Sanadkii hore xiligaan oo kale maalinta jaceylka aduunka Varun waqti lama qaadanin jaceylkiisa Natasha Dalal madaama uu ku mashquulsanaa duubista filimka Dishoom markalena jaceylkiisa shaqo ayuu kaga mashquuli doonaa.

Varun Dhawan ayaa si rasmi ah u sheegay in maalinta jaceylka aduunka uu xayeysiin balaaran u sameyn doono filimkiisa Badrinath Ki Dulhania oo ay la jileyso Alia Bhatt weliba labadooda ayaa fagaaraha Mumbai dadka ku mada daalin doonaan.
Filimka Badrinath Ki Dulhania waxaa la daawan doonaa 10-ka Maarso 2017 sidaa darteed Varun iyo Alia geed dheer iyo geed gaaban ayay u kori doonaan si ay filimkooda xayeysiin balaaran ugu sameyaan hadal xoogana ugu abuuraan.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment