SRK Oo Si Qiiro Ku Dheehan Rekha Kaga Gudoomay Bilada Sanad Walbo Lagu Maamuuso Director Yash Chopra (+Sawiro)

Bulsha:- Bollywood King Khan Aka Shah Rukh Khan ayaa si rasmi ah kaga gudoomay atirishada ruug cadaaga ah Rekha bilada lagu maamuuso sanad walbo Director Yash Chopra oo sanadii 2012 geeriyooday.

Biladaan loo yaqaan Yash Chopra memorial award sanadkii hal mar ayaa la bixiyaa waana sanadkii 4-aad ee abaal marintaan la bixinaayo.


Waan wada ognahay Director Yash Chopra boqorkii jaceylka Bollywood-ka iyo xariirka ka dhaxeeyay wiilka jaceylka Bollywood-ka madaama ay wada sameeyeen filimo Classic ah kuwaas oo fariin ahaan dadka qalbigooda taabanayaan.

Sidaa darteed ma jirto qof SRK kaga mudan in la siiyo bilada Yash Chopra lagu maamuuso sanad walbo (Yash Chopra memorial award).

Pamila Chopra marwadii uu ka geeriyooday Yash Chopra ayaa sidoo kale ku sugneyd goobtii SRK lagu gudoonsiiyay abaal marintaan qaaliga ah ee xasuusta iyo maamuuska xambaarsan.






Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment