Priyanka Chopra Oo Shaqsi Aan Cidna Filaneyn Gacanta Soo Qabsan Doonta Kana Qeybgeleysa Xafladda Abaalmarinta Oscars 2017

Bulsha:-   Atariishada caanka ah ee reer India Priyanka Chopra ayaa sii wadaneysa wacdaraha ay ka dhigeyso shirkadda aflaanta dalka Mareykanka ee Hollywood, waxaana la xaqiijiyey inay sannadkaan ka qeybgeli doonto xafladda The Academy Awards taasoo ah habeenka ugu weyn Hollywood.

Pee Cee ayaa barteeda Instagram ku xaqiijisay inay xafladdaan imaan doonto iyadoo gacanta ku dhagan heesaaga halyeeyga ah Mick Jagger, oo u dhashay dalka England, waxayna xafladdaani dhici doontaa Axada soo aadan.



Xiddigta musasalka Quantico ayaana daaha ka qaaday inay si weyn ugu faraxsan tahay inay gacanta soo qabsato Mick Jagger isla markaana ay xafladdaan la timaado.

Dhanka shaqada, Priyanka Chopra waxay Hollywood kusoo geli doontaa filimkeeda ugu horreeya ee Baywatch kaasoo uu Director ka yahay Seth Gordon isla markaana ay la hogaaminayaan xiddigaha Dwayne Johnson iyo Zac Efron.









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment