Sawirka Maanta: Sridevi Iyo Labadeeda Gabdhood Jhanvi Iyo Khushi Xarago Laguma Gaaro

Bulsha:- Super Star-dii Bollywood-ka maamulan jirtay 80-kii iyo bilawgii 90-kii Sridevi waxay ku mashquulsan tahay diyaarinta labadeeda gabdhood Jhanvi Kapoor iyo Khushi Kapoor oo dhawaan atirishooyin noqon doonaan.

Hadaba Sridevi iyo labadeeda gabdhood Jhanvi iyo Khushi ayaa hadal xoogan abuureen sidoo kalena baraha ku qabsadeen sawirka sare ka muuqdo oo ay si wacan u xarakeenayaan.


Sidoo kale waxaa la socday aabaha reerka Boney Kapoor waxayna qoyskaan kasoo laabteen dalxiis ay ugu maqnaayeen meel ka baxsan Hindiya.

Waxay dib ugu soo laabteen magaalada Mumbai oo xaruntooda ah sidoo kalena Sridevi iyo seygeeda Boney Kapoor waxay aad uga fikirayaan labadooda gabdhood Jhanvi iyo Khushi habka ay Bollywood-ka kusoo gali doonaan.

Jhanvi Kapoor ayaa soo hormari doono shaqada Bollywood-ka waxaana gabadhaan soo caan bixin doono filim sameeye Karan Johar ayadoo la gaartay heshiis ah inay sedexda filim ee ugu horeyso shirkada Dharma Productions ee Karan iska leeyahay u sameyso.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment