16-Jilaa Oo Bollywood-ka Ka Tirsan Kuwaas Oo Filimkooda Kowaad Door Caawiye Ah Ku Mataleen Qaybta 2-aad (+Sawiro)

Bulsha:- Bollywood waa shirkada ayuu qof kastoo oo fanka jecel rabo inuu ku biiro sidoo kalena heer sare ka gaaro, hadaba jilaa kasto si riyadiisa ugu rumowdo marxalad kala duwan oo adag ayuu usoo maray.

Jilaayaasha qaar ee waalidiinta caanka ah garab ka heestaan waxaa u suura gashay inay si awood ku dheehan fanka kusoo galaan ayagoo filimo kala duwan hogaamiyaal looga dhigay.

Hadaba waxaan sii amba qaadi doonaa maqaalkeena waxaana maanta idiin heynaa qaybta 2-aad oo aan kusoo qaadan doono qaar ka mid ah 16-jilaa oo Bollywood-ka ugu caansan kuwooda filimkoodii kowaad door caawiye ah ama door yar ku yeesheen:

Ileana D’Cruz (Barfi): Xidigtaan filimkeedii kowaad Barfi door caawiye ah ayay ku laheyd waxaana hogaamiyaal filimkaan ka ahaayeen Ranbir Kapoor iyo Priyanka Chopr, doorkeedii caawiyaha ahaa si wacan ayaa loogu amaanay.

Katrina Kaif (Boom): Maanta waa atirisho awood badan, laakiin shalay door aad u liito ayay ku bilaabatay, madaama filimkii Boom door caawiye xitaa ka yar laga siiyay.



Waxay jeceshahay inaan dib loo xasuusinin filimkeedii kowaad Boom doorkii liitay oo ay ku laheyd xidigtaan quruxda badan!

Shraddha Kapoor (Teen Patti): xidigtaan filimkeedii kowaad wuxuu ahaa mid ay door caawiye ku laheyd sidoo kalena jilaayaal fara badan wax ka jileen.



Kadib filimkii Love Ka The End ayay atirisho kowaad ka noqotay laakiin waxay aqoonsi caalami ah ku yeshay filimkii Aashique 2 ee Blockbuster-ka weyn noqday.

Priyanka Chopra (The Hero : Love Story Of A Spy): Sanadii 2003 ayay xidigtaan Sunny Deol filimkiisii door caawiye ah ku yeelatay.



Balse isla sanadkaas ayay filimkii Andaaz ee Akshay Kumar la sameesay ayay door weyn ku yeelatay sidoo kalena ku heshay aqoonsi caalami ah.

La Soco Qaybta Sedexaad Jilaayaasha Caanka Ah Ee Filimkoodii Kowaad Door Caawiye Ku 










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment