Bulsha:- Ruug cadaa Shakti Kapoor ayaa ka dhawaajiyay in gabadhiisa Shraddha Kapoor marnaba hormarkeeda fanka iyo nololeesha gaarka ah cariiri gali doonin.
Shraddha Kapoor culees xoogan ayaa haatan soo wajahay madaama labadeedii filim ee ugu dambeeyeen Rock On 2 iyo Ok Jaanu ganacsi ahaan guul dareesteen.
Hadaba Shakti ayaa culeeska ka qaaday gabadhiisa wuxuuna yiri “Shraddha halis marnaba ma gali doonto shaqo ahaan iyo nolol ahaan waayo aabaheeda ayaa taajir ah wax walbana u sameyn karo”
Shakti oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri “Gabadheyda wey isku filan tahay madaama ay 12 ilaa 13-shirkadood oo kala duwan xayeysiin u sameeneyso sidoo kalena guusha saaxiib la tahay”
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment