Filimka Raees Oo Hoos U Dhac Weyn Sameeyay Isniintiisa Kowaad Lacagaha Uu Soo Xareeyay

Bulsha:- SRK filimkiisa Raees ayaa hoos u dhac weyn sameeyay Isniintiisa kowaad asigoo gudaha Hindiya kasoo xareeyay 6 Crore (Trade Figure) sida shabakada Boxoffice India shaaca ka qaaday ayadoo kasoo xigatay kooxda cajaladaha qeybiyaan iyo kuwa tiyaatarada iska leh.

Raees wuxuu sameeyay 55% hoos u dhac ah Isniintiisa kowaad marka lala bar bar dhigo Jimcadiisa kowaad lacagaha uu keenay mana ahan arin wanaagsan wuxuuna filimka u baahnaa in 8 Crore uu keeno maalintiisa 6-aad.

Raees mudo 6-maalmood gudaha Hindiya wuxuu kasoo xareeyay 98.25 Crore (Trade Figure) waana lacago gaabis ah waayo filimkaan dar dartii uu ku bilaawday waxaa laga filaayay 5-maalmood ee ugu horeyso inuu 100 Crore ka taalabsan karo.

Raees loolankii uu Kaabil la galay asiga ayaa guuleestay madaama uu 60% tiyaatarada ka heesto balse hadafka sidaas ma ahayn waxaa laga filaayay filimkaan sida waalida ku bilaawday inuu wacdaro xoog leh dhigo balse maal maha shaqada ayuu ku fashilmay!

Raees inuu bad baado waxaa xaqiijisay 5-maalmood ee ugu horeesay ganacsiga uu sameeyay balse darajada Hit dhameestiran inuu gaaro haatan shaqo culus ayay ka rabtaa madaama uu Isniintiisa kowaad hoos u dhac weyn sameeyay.

Fadlan hoos kaga bogo 6-maalmood ee ugu horeyso Raees lacagaha uu keenay:






_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment