Bulsha:- Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ka soo degtay diyaarad siday qaxooti Soomaaliyeed oo mudo sanado ah ku noolaa dalka Jabuuti, kuwaasi oo hada dalkooda dib loogu soo celiyay.
Qaxootigan Soomaaliyeed ee maanta soo gaaray Muqdidsho ayaa ka koobnaa 28-qoys, waxa ayna dadkan si iskood ah u go’aansadeen in ay dib ugu soo laabtaan dalkooda ay mudo sanado ah ka maqnaayeen.
Dadkan Qaxootiga ah ee soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa gaarayay 60-qof, waxaana garoon ka Diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Xubno kamid ah gudiga arimaha qaxootiga iyo barakacaayasha Soomaaliya iyo Shaqaale ka socday hay’adda UNHCR.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment