Bulsha:- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka dalbaday dhex dhexaadnimo ay ka sameyso Sacuudiga sidii ay ugu qancin lahayd dowladda Isku taga Imaaradka Carabta in aysan dhamaystirin saldhig Milateri ay ka dhisato Dekada Barbera ee maamulka Somaliland.
Warbixintan ayaa lagu daabacay barta jariidada Riyad Post ee kaso baxda Sacuudiga waxana ay soo xiganaysa mas’uul ka tirsan xukuumadda oo ka kamid ah wafdigii u raacay madaxweyne Farmaajo dalka Sacuudiga booqashadii rasmiga aheyd uu ku tagay waxana uu shaaca ka qaaday in Farmaajo uu mas’uuliyiinta Sacuudiga uu ka dalbaday inay ku qanciyaan dowladda Imaaradka inaysan wax hormar ah ka sameyn qorshaheeda ku aadan inay saldhig militry ka dhisato deganada maamulka Somaliland ee doonaya inay madax banaani Soomaaliye inteedi kale ka qaataan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa si gaar ah waxaa uu arrintan kala hadlay kuxigeenka dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salman Bin Cabdi Casiis oo ah Wasiirka Gaashaandhiga, waxaana kulankan goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha dibada Sacuudiga Caadil Axmed Al-jubeyr iyo mas’uuliyiin sar sare oo boqortooyada ka tirsan.
Go’aanka Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa siwayn u taageeraya Xisbiyada Mucaaridka ah ee Maamulka Somaliland iyo Shacabka oo kasoo Horjeeda in dagaal aysan Soomaali Awoodin Loosoo Wareejiyo.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment