Neha Dhupia Oo Ka Maseertay Deepika Padukone Kadib Markii Ay Hal Bandhig Ka Wada Qayb Galeen

Bulsha:-  Deepika Padukone, Neha Dhupia iyo Soha Ali Khan ayaa ka wada qayb galeen bandhig xayeysiin oo ay saxaafada la fal galeen sidoo kalena qorshaha ahaa in dadka lasoo jiito.

Waxayna sedexdaan atirisho ka qayb galeen soo bandhiga shirkada soo saarto agabka lagu xiirto (The Gillette Venus) waxaana goobta ka dhacay kabtan iyo qaraaxo.

Saxaafada inteeda badan Deepika ayay diirada saareen inay su’aalo weydiiyaan ee ku aadan shaqadeeda Hollywood-ka iyo arimo kale.


Neha Dhupia ayaa markii dambe dul qaadan weesay waxayna tiri “Waan dhibsaday waana nala bahdilay in marwalbo oo aan Deepika la joogo iyada lagu mashquulo, xitaa baraha bulshada iyada ayaa la hadal hayaa, waxaan dareemayaa kalinimo ee naga qayb galiya dooda iyo su’aalaha!”

 

Deepika ayaa yara qosashay kadibna waxay tiri “Neha sidaan miyaad maanta ii gashay oo aad iiga qaraaxeesatay, kaama fileyn ee kaftanka naga dhaaf”

“Waa markii ugu horeesay ee aan si wadajir ah xayeysiin u wada sameeno waana ku faraxsanahay Neha inaan ku garab taaganahay oo aan xayeysiin kula sameeyo adigoo ka mid ah dadkii ugu horeeyay ee xayeysiimaha bilaabay”



Dabcan Neha Dhupia wey hadashay sidoo kalena hadalkeeda wuxuu sababay in Deepika hadalo xushmad ay xidigtaan u heyso saxaafada maqal siiso…..











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment