Ayesha Takia waa gabadhii lasoo caan baxday Abhay Deol sidoo kalena sanadii 2005 ay wada sameeyeen filimkii la wada jecleestay Socha Na Tha kadib waxay sameesay aflaan badan oo caan ah.
Balse Ayesha Takia Bollywood-ka meel ayay iska dhigtay markii ay guursatay wiilka ganacsadaha ah Farhan Azmi oo ay jaceyl isku doorteen.
Ayesha Takia haatan waa hooyo waxaana u joogo hal wiil oo qurux badan hadaba xidigtaan waxaa laga soo bandhigay sawiro muujinaayo sida ay isku badashay.

Dabcan isbadalka Ayesha Takia ku dhacay waxay ka dhigan tahay in xidigtaan aysan Bollywood-ka kusoo laaban doonin ilaa ay jirkeeda shaqo xoog leh ka qabato.
Waxaan leenahay soo laabasho wacan Ayesha Takia oo mar ka mid ahaan jirtay atirishooyinka ugu shidan uguna soo jiidashada badan Bollywood-ka.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment