Khubaro Heer Sarre Ah Ayaa Soo Saaray 6da Sababood Oo Indhaha Loo Xiro Xilliga Shumiska!!

Bulsha:- Shumis ama inay istaabtaan bishimaha labada shaqsi waa dareen cajiib ah. Waa dareen si aad ah loo buunbuuniyo, waxaana la sheegaa inuu sumad wanaagsan u yahay jaceylka.

Maanta waxay ku beegan tahay 14ka bisha Janaayo, waana Maalinta Jaceylka Adduunka, sida ku qoran qoondeeyaha sannadka caalamka.

Shumiska wax badan ayaa lagu muujin karaa, daree jaceyl, rabitaan galmo, dareen galmo, ixtiraam, salaam, saaxiibnimo, nabad iyo nasiib wanaag, waxyaabo kale oo aan ka tagnay ayaana sidoo kale jiri karaan.

Khubaro ku xeel dheer arrimaha jaceylka ayaana sharraxaad gooni ah ka bixiyey sababta ay indhaha u xirtaan ama indhaha isugu qabtaan dadka uu shumisku dhexmaraayo ee isjecel. Lixda sababood ee ugu sarreysa ayaana kasoo qaadanay.

01 – INAY U OGOLAADAAN INAY BISHIMUHU HADLAAN

Ka dib hadal badan iyo erayo badan oo la isticmaalay, malaha dadka isjecel ayaa shumiska ku muujin kara dareen badan oo aan hadal looga baahneyn.

02 – WAA CALAAMAD RAAXO

Wax walba oo dareen raaxo la xiriira marka la muujinayo ayaa indhaha la xirtaa inta badan. Sidaas darteed waa sabab kale oo ay khubaradu u asteeyeen.

03 – WAA CALAAMAD AAMINAAD H

Haddii ay indhahaagu furan yihiin waxaad muujisay inaad ku kalsoon tahay keliya waxa aad aragto. Marka ay indhahaagu xiran yihiin waxaad muujisay inaad ku kalsoon tahay hogaankaaga. Sidaas darteed jaceylkaaga ayaa aaminaad u muujineysaa.

04 – WAA DAREEN HEER SARRE AH

Marwalba aad ayey u adag tahay in dareenkaas loo helo erayo rasmi ah oo lagu qeexo. Dareenkaas heerka sarre ah dartiis ayaana loo xiraa indhaha marka laga hadlaayo lammaanaha isjecel.

05 – WAA CALAAMAD ISDHIIBID AH

Dagaal waa uu dhammaaday markaas, marba haddii uu shumis meesha yimid dagaal waa uu dhammaaday, waa lagu shuminayaa wax ayaad shumineysaa. Waadna isdhiibtay markaas.

06 – MA DOONEYSID INAAD ARAGTO MUUQAAL XUN

Marka aad indhahaaga furto ma dooneysid inaad aragto muuqaal xun, waxaad dooneysaa inaad ku jirto riyadaas wanaagsan, sidaas darteed waa sababta lixaad ee ay indhaha u xirtaan lammaanaha isjecel marka ay shumiska wadaagayaan.

DADKA AAN KA HADLEYNO WAA DADKA XALAASHA ISKU AH. MAQAALKUNA HALKAAS AYUU KU EGYAHAY.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment