Atariishada Kangana Ranaut Oo Maalinta Jaceylka Adduunka Awgeed U Shaacisay Qorshaha Guurkeeda

Bulsha:- Atariishada caanka ah ee shirkadda Bollywood Kangana Ranaut waxay haatan si weyn ugu mashquulsan tahay xayeysiinta filimkeeda Rangoon balse waxay daaha ka qaaday qorsheheeda guurka iyadoo kusoo beegtay Maalinta Jaceylka Adduunka 14ka Febraayo.

Kangana Ranaut oo filimka Rangoon ku jilli doonta magaca Julia ayaa waxay jaceyl la wadaagi doontaa Nawab (Shahid Kapoor) inta uu socdo filimkaani. Balse 29 sanno jirtaani waxay si cad u shaacisay inay guursan doonto inta lagu jiro sannadkaan.

Wareysi gaar ah oo ay siisay shabakadda Bombay Times, ayey atariishadaani daaha uga qaaday inay guursan doonto sannadkaan. Kangana Ranaut oo ka mid ah atariishooyinka ugu qowlka kulul Bollywood ayaana la weydiiyey haddii abid ay soo sameysay nuuc jaceyl oo dhedhan leh.

Waxayna ku jawaabtay: “Haa, wuu isoo maray jaceyl nuucaas ah, waxaan soo sameeyey jaceyl qiimo leh.” – Ka dibna waxay hadalkeeda ku dartay: “Waxaan doonayaa inaan guursado sannadkaan sidaas ayaan ku rajo weynahay, waana laga yaabaa inay dhacdo inaan guursado sannadkaan”.
Markii wax laga weydiiyey Maalinta Jaceylka Adduunka iyo waxa ay ka aaminsan tahay waxay daaha ka qaaday in maanta aysan wax badan uga dhigneyn oo aysan u diyaarin qorsheyaal u gaar ah, balse yaraanteedii ay si weyn u xusi jirtay maalintaan.

Shabakadda Filimside waxay kaa codsaneysaa inaad ku dhufato mid ka mid ah xayeysiinta webka saaran si aad uga qeyb qaadato horumarka shabakadda. Mahadsanid.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment