Bulsha:- Amy Jackson ayaa noqotay dhibanihii ugu dambeeyey ee ka xamaasha shirkadda aflaanta dalka India ee Bollywood Industry. Wararku waxay sheegayaan in la jabsaday xogtii Amy Jackson ugu jirtay taleefoonkeeda gacanta, iyadoo lagala baxay macluumaad muhiim u ah gabadhaan.
Sawirradaas u gaarka ah Amy Jackson ee qaabka xatooyada ah loogala baxay taleefoonkeeda gacanta ayaa waxaa ka mid ah sawir ay saaxiibkeed la casheyneyso, waxaana sawirradaas qaar ka mid ah lagu faafiyey internet-ka.
25 sanno jirtaan Amy Jackson ayaana cabsi ka muujisay in qaar kale oo ka mid ah sawirradaas lasoo dhigo baraha bulshada iyadoo taasi ay saameyn ku yeelan karto sumcaddeeda.
Amy ayaa wuxuu shilkaani kula dhacay goob lagu iibiyo moobeellada oo ku taala magaalada Mumbai, halkaasoo iyadoo aan fileyn uu teleefoonkeeda gacantu soo qabsaday internet-ka, macluumaadkaan ayaana laga xaday ka hor inta aysan u duubin magaalada Chennai halkaasoo ay filimka ROBOT 2.0 kula duubeyso Superstar Rajinikanth iyo Akshay Kumar.
Amy Jackson waxay daaha ka qaaday inay la yaabtay arrintaan foosha xun ee loo geystay waxayna haatan isha ku heysaa inay dacwad kusoo oogto dadka ay kaga shakisan tahay inay arrintaan ka dambeeyeen marka ay kusoo laabato Mumbai.
Shabakadda Mid Day ayaa xiriir la sameysay dadka ka ag dhaw Amy Jackson waxayna u xaqiijiyeen inuu shilkaani ku dhacay 7dii bishaan Febraayo.
Dhawaan ayey aheyd markii Kareena Kapoor Khan ay daaha ka qaaday inuu shaqsi isku deyey inuu jabsado akoonnadeeda gaarka ah, balse markii ay booliska ku dacweysay waa la gartay shaqsigaas waana la xiray.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment