Guusha Filimka Rangoon Maxay Kangana Muhiim Qaas Ah Ugu Tahay?

Bulsha:- Guusha Rangoon waxay muhiim u tahay kangana Raut maadama awoodeda box office ay usoo laabaneyso haduu filimkaan guuleysto.

Xidigtaan waxay leedahay xirfad dabiici ah oo weyn. Waxana awoodeda jilitaanka ku aragnay filimda kala ah ‘Queen’ iyo ‘Tanu Weds Manu Returns.’ Qaabka dabeecad ahaan ay shaashada ugu so bandhigeyso xirfadeda jiliin ayaba ah mid ku dhiiro galineyso.

Inkastoo xidigtaan bollywoodka ay magac weyn ku leedahay hadana waxaa moodaa in sanadadan dambe ay awoodedii box office ka sii wiiqmeyso. Filimadeedii ugu dambeyay kaliya labo filim ayaa box office ka ganacsi fiican kasameyen. 6 di sano ugu dambeysay box office ka waxay ka soo xareysay kaliyaa 100 crore, halka markii horena ay halkii sano ay 100 crore ugu yaraan keeni jirtay.waana sababta ay muhiim ugu tahay in Rangoon guul lixaad leh gaaro awoodedana soo ceshato. Waxaana la filaa in filimkaan uu guul fiican gaaro.

Hogaamiyasha filimkaan waa Saif Ali Khan, Shahid Kapoor iyo waliba Kangana Raut.









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment