DHACDO yaab Leh: Malxiisad ku sugan Hargeysa oo Nin Isku Bedashay (Akhri)

Bulsha:- Xaafadda Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa waxa ka taagan arrin wax cusub ku noqotoy dadka xaafadda ka dib markii qoys dhawaaan ku aqalgalay xaafadda ay malxiisaddii la socotay aroosadda maalmo ka dib nin isku bedeshay.

arrintan oo dacwadeeda maxakamadda loo gudbiyey ayaa malxiisadda inay nin tahay la ogaado ka dib markii
ninka arooska ah oo shaqaale ka ah mid ka mid ah warshadaha yar-yar ee sharaabka sameeya uu maalin shaqada ka joogay xanuun awgii, waxaanu xilli uu qolkiisa jiifka uu ku jiray uu maqlay qof cod nin leh oo xaaskiisa qolka ku xiga ka uu ku jiro kula sheekaysanaaya ,

wuu soo baxay si uu u hubiyo qofka , waxaanu arkay xaaskiisa oo ay la fadhido gabadhii uu ku yaqaanay malsxiisadda oo markasta iyadu ku labisata intii uu arkaayey Xijaab iyo Niqaab/indho-shareer, waxa uu weydiiyey ninka uu maqlaayey cidda uu la hadlaayey xaaskiisii ayaa ugu jawaabtay cidna noomay iman ee waa aniga iyo saaxiibtay oo kaliya .

wuu shakiyey waxaanu tagay saldhigga Booliska xaafada oo ka agdhawaa , askartii ayaa soo raacday waxayna si ay u hubiyaan ku amreen malxiisaddii inay indho-shareerka bixiso , waxayna arkeen in uu nin yahay , sidoo kalena waxay ka dhigeen xijaabkii , waxaanu noqday nin caadi ah .

dad arrinta ka warhayey ayaa ii sheegay inay aroosaddu ku jawaabtay in markii horeba ninka iska dhigay malxiisaddu uu ahaa ninkeedii . arrintaasi halka ay ku dambayso aad ayaa loogu dhagtaagayaa .

Waxaa Diyaariyey Wariye Cumar Seerbiya.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment