Bulsha:- Waxa aduunka ku noolnahey ka dhaca mucjisooyin badan oo xagga alle ka timid,
waxaan halkan ku soo qaadaneynaa sheeko cajiib ah oo la yaab leh, balse ah wax ka dhici kara
aduunka dacaladiisa, inkastoo aysan aheyn wax aynu mar walba maqalno.
Waxaa gubtanews la soo xiriirey nin Magaciisa ku
sheegay Maxamed waxa oona nooga sheekeeyeye dhibaato isaga iyo xaaskiisa haysata.
Maxamed waa 30 jir, isla markaana ah nin ganacsato kuna nool
qurbaha. Maxamed ayaa markii hore guursadey gabar qurux badan
oo ay ku dareen reerkooda, una dhashey labo caruuru ah.
Maadaama la isku darey oo aysan jirin wax jaceel ah oo ay
wadaagaan ayaa waxaa danta ku qasabtey in ay kala tagaan dhowr
sano kadib, ayna is fureen iyaga oo raali kala ah. Furiinki ka dib
Maxamed waxa uu u dhoofey dibada, xaaskiisi hore iyo caruurtiisiina
ku hareen Africa.
Maxamed markii uu qurbaha yimid ayuu wuxuu u qalab qaatey in uu
halkaas ka sii wada ganacsigii oo aheyd shaqada uu aqoon gaar ah
u leeyehay isaga oo furtey tukaan weyn oo lagu iibiyo dharka iyo
qalabyada electronics oo ay ka mid yihiin tvga, cellphones, iyo
computarada. Tukaankaas ayaa noqdey mid caan ah, halkaas oo ay
badanabaaba Somalida halkaas joogta had iyo jeer wax walba ka
iibsan jireen, wuxuuna Maxamed ku lahaaa magac iyo maamuus
bulshada Soomlaiyeed dhexdeeda, balse waxaa loogu yeeri jirey
naaneys u gaar ah.
Sanadkii markii uu ahaa 2010 bilowgeedii ayaa waxey isbarteen
gabar kale oo qurux badan oo magaceydu yahay Fartuun. Fartuun,
sida hablaha Somaaliyeed lagu yiqiineyba, waxey aheyd gabar
xishood badan, astur badan, cod macaan, socodka gaabisa, kuna
darsatey ilka cadeyn ninkii arkaba kadaba dhaca.
Gabdhan ayaa waxey ka mid aheyed dumarka wax ka iibsada
tukaanka uu Maxamed ka shaqeeyo. Isla markii uu Maxamed
gabadhaas isha ku dhufteyba wuu is hayn waayey, wuxuuna go’aan
ku gaarey inuu barto Fartuun inta aan looga hormarin. Wey is
barteen, phone number waa la is dhaafsadey, in mudo lix bilood ku
dhow ayeyena wada socdeen. Shukaansi dheer iyo isfaham kadib
wey is jeclaadeen waxeyna ku soo gabagabeeyeen xiriirkoodii iney is
guursadaan iyaga oo dhigety aroos yar oo diinta Islaamka raali ka
tahey.
Laakiin Fartuun waxey markey yareyd soo martey gudniinka loo
yaqaano fircooniga midkiisa ugu darnaa. Gabadhan oo ku dhalatey
tuulo kamid ah Jubbdada hoose ee Soomaaliya ayaa waxaa loo
gudey si xun iyada oo taas u soo martey xanuun badan oo bilo
socdey, nasiib wanaagse wey caafimaadey inkastoo oo ay
weligeedba ka walwaleysey sida loo gudey. Fartuun waxaas uma
sheegin Maxamed oo ahaa ninkii ugu horeeyey oo ay la seexatey, oo
waxeyba is laheyd waxba ma uu dareemayo oo wax walba waa
caadi.
Nasiib daro Maxamed ayaa ogaadey iney wax jiraan isla habeenkii
ugu horeeyey ee uu damcey in uu xaaskiisa u galmoodo. Si kasta oo
uu isku dayaba wuu awoodi waayey in geedkiisa horey u galo
farjigeeda.
Muddo 4 saac kabadan ayuu kolba gabadha dhinac ka
maraa oo isku dayey bal in uu mar uun horey geedkiisa u galo
gudaha. Hase ka yaaabin, oo wuu awoodi waayey oo dhidid badan
ayaa wejigiisa ka soo daatey isaga oo is leh “toloow maxaa jira,
Fartuun oo la socota dhibka hasyta miskiin
Maxamed ayaa iska seexatey iyada oo iska dhigtey war mooge.
Nasiib daro Maxamed ma seexan, oo habeenkii ugu farxada badney
ayaa waxey u noqotey habeenkii ugu naxdinata badneyd.
Fikir dheer iyo go’aan badan kadib ayuu Maxamed u qalab qaatey in
uu shaqada ku guuleysto habeenkii labaad isaga oo is leh “war waa
caadi in gabdhaha bikrada ah qaarkood ay aad u malaasan yihiin oo
aanan ciyaar ciyaar lagu furi karin”
Wuxuuse Maxamed noo sheegey in geedkiisa uusan weyneyn oo uu yar
yahey balse uu awoodi jirey in uu horey u galo xaaskiisii hore oo iyada
laftigeedu bikro aheyd markuu guursadey. Maxamed oo waxba weydiin Fartuun ayaa sariirta lawada
aadey isaga oo wadnaha sida tuuglaqabtey u bood boodayaan, kana
cabsi in mar labaad ku guul dareysto shaqada.
Shaqadii baa la guda galey, oo halka Fartuun
kuba raaxeysaneyso waxa ninkeeda sameynayo
maadaama ay sex ku cusub tahey, ayaa Maxamed isagu siddii
habeenkii hore oo kale uu kolkba dhinac isku rog rogaa isaga oo
siddii qof nafta ka baxeysa neefta tuuraya indhahiisa inuu kala furana
diidey. Nasiib daro shaqadii guul daro ayey ku dhamaatey oo in
geedkiisa hore u galo iska daaye xitaa biyihiisii baa lagu soo celiyey
oo ma jiraan meel ay ka dusaan. Maxamed oo yaaban oo kala garan
la’ in waxa uu sameynayo in ay tahey xaqiiq ama filim uu
maskaxdiisa ka daawanyo ayaa iska seexdey habeenkaas.
938cc68c97ddc4dac783c820f65ff2b0
Habeenba habeen ka danbeeya sidey shaqadu u socotey kuna guul
dareysaney ayaa waxa uu go’aan ku gaarey in uu xaaska kala
sheekeysto sida ay wax u jiraaan. Maadaama uu Maxamed ahaa nin
wadaad ah ma uusan jecleyn in uu gabadha lugaheeda kala bixiyo
oo uu si fiican bal u arko farjigeeda uuna ogaado waxa meesha ku
dahaaran. Balse si kastaba xaalku ha ahaatee Fartuun wey uga
sheekeysey wixii ku dhacey iyo sida xun ee loo gudey, kuna soo
dhibtootey. Kolkuu sheekadaa maqley ayuu u naxey xaaskiisa isaga
oo leh dhib ma leh oo waa alle amarkii.
Hadab sida la ogyahey Soomlida ceeb ayey u tahey oo nin iyo
naagtiisa kama sheekeeyaan waxa ay sariirta ku sameeyaan, diinta
Islaamkana ma ogola in waxaas laga sheekeeyo, balse runtii markii
dhibaato xag caafimaad jirto waa caadi in dadka kugu dhow iyo
takhaatiirtaba lala socodsiiyo si arinta wax looga qabto. Balse muddo
hal sano ku dhow Maxamed iyo Fartuun wey is qabeen cid ay u
sheegeen xitaa reerkooda ma jirin, oo dhaqtar ay aadaana iskaba
daa! Fartuun weli siddii bey bikro ama virgin u tahey, Maxamedna
geedkiisii wuuba ku daaley minadiisii ama biyihiisiina waxey noqdeen
hal bacaad lagu lisey.
Maxamed iyo Fartuun wey isjecel yihiin oo sinaba iney u kala tagaan
ma doonayaaan, balse Maxamed wax uu sameeyo wuu garan
la’yahey. Waxa uu ku fakirey in uu iska furo una ogolaado iney
saaxiibkiisa guursato mudo hal sano ah, kadib markii farjiga loo furo
in uu saaxiibkiis iska furo gabdha kadibna ay iksu soo laabtaaan.
Fartuun arintaas waxba kama qabto laaakiin marka hore arintaas
diinta islaamka maxey ka qabtaaa? Marka labaad ma hubo in
saaxiibkii, oo uusan weli u sheegin, in uu arintaas ka aqbalayo in uu
furo gabdha kadib markii uu ku guuleysto shaqadii uu Maxamed ku
holwgabey. Hadey caruur u dhashana kaba daran oo sinaba u furi
maayo dhib la’aan.
Hadaba aqristayaasha sharafata leh, waxa uu Maxamed idinka
codsanayaa inta uusan iskafurin ama dhaqtar u tegin, maxaad
arintaas ka leedihiin. Marka hore ma maqasheen mase aragteen
arintan oo kale in qof Soomaali ah oo ku dhacdey, hadey jirtnan
sidey wax looga qabtey. Marka labaad maxey diinta Islaamka ka
qabtaa in xaaska mudo gaaban la furo lana siiyo qof kale kadibna ay
isku soo laabtaan mar danbe. Hadaba waad mahadsantihiin
dhamaantiin waana idinka sugeynaa talo wacan iyo tusaale fiican.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment