Bulsha:- Atariishada caanka ah ee shirkadda aflaanta Bollywood Sonam Kapoor ayaa ugu dambeyntii laga qaaday sawirro furan iyadoo la socota wiilka lagu xanto inuu jaceylku kala dhexeeyo.
Sonam Kapoor ayaa beenisa inuu jaceyl kala dhexeeyo Anand Ahuja markasta oo ay saxaafaddu wax weydiiso xiriirka kala dhexeeya. Balse atariishada Bollywood waxay haatan u muuqataa mid bannaanka soo dhigtay caddeyn aan sharraxaad u baahneyn.
Atariishadaan faashiyooniistaha ah waxaa waxaa lagu arkay caasimadda Delhi shalay oo Sabti aheyd iyadoo u socota bandhiggii India Art Fair waxaana socdaalkeeda ku wehliyey wiilka ay jeceshahay Anand Ahuja.
SAWIRKAAN HOOSE AYAANA XILLIGAAS LAGA QABTAY SONAM KAPOOR IYO ANAND AHUJA.

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment