Bulsha:- Inkastoo uusan midkoodna saxaafadda u xaqiijin inuu xiriir jaceyl ka dhexeeyo, hadana cidna kama qarsoona haasaawaha ay sameynayaan atooraha la jecel yahay ee Bollywood Sidharth Malhotra iyo atariishada aan ka dhicin Alia Bhatt.
Sidharth Malhotra iyo Alia Bhatt oo aan sidoo kale beenin inuu xiriir jaceyl ka dhexeeyo ayaa waxay si wadajir ah u sameeyeen laba filim waana Student of the Year iyo Kapoor & Sons… Wixii intaas ka dambeeyey markasta waxaa lagu arkaa iyagoo isla jooga tusaale ahaan waxay isla aadaan goobaha lagu shaaho iyo xitaa xafladaha aroosyada.
Maanta waxaa lagu arkay maqaayad ku taalla magaalada Mumbai halkaasoo ay si wadajir ah uga soo qadeeyeen, shabakadda PV Times ayaana sheegeysa inay halkaan ka muuqato inay Alia Bhatt noqon karto gabadhii uu ballan qaaday Sidharth Malhotra inuu dhowaan guursan doono.
Alia lebis madoow ah ayey xirneyd, halka Sidharth uu ku lebisnaa shaar iyo jeenis. Kulankooduna wuxuu kusoo aadayaa xilli uu atoorahaani soo afjaray duubista filimka Reload ee ay la hogaamineyso atariishada Jacqueline Fernandez.
Dhanka shaqada, Sidharth Malhotra filimkiisa xigga ee uu ka shaqeyn doono wuxuu noqon doonaa Ittefaq oo ay la hogaamineyso Sonakshi Sinha. Halka Alia filimkeeda xigga uu yahay Badrinath Ki Dulhania oo ay la hogaamineyso Varun Dhawan.

Sidharth iyo Alia ayaa lagu soo xan waramayaa inay markoodii seddaxaad xirfaddooda Bollywood isla shaqeyn doonaan waxaana filimkaas lagu sheegay inuu noqon doono Aashiqui 3.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment