Bulsha:- Atirishada caanka ah Kangana Ranaut ayaa dib u bilaawday dagaalka muuqdo ee kala dhaxeeyo Hrithik Roshan oo ay hada ka hor xiriir qarsoodi la yeelatay.
Kangana iyo Hrithik sanadkii hore dagaal xoogan ayay isku qaadeen qof walbana wuxuu banaanka soo dhigay qofka kale ceebtiisa weliba heer dacwad inay iska gudbiyaan ayay gaareen.
Hadaba Kangana weli sheekada Hrithik Roshan kama aysan dhamaanin waxayna ka dhawaajisay in xidigaan uu sanadkii hore ilaa haatan cabaadkiisa baxaayo asigoo qof walbo oo Bollywood-ka ka tirsan u sheegayo in Kangana ka gardaran tahay.
Kangana waxay tiri “Waa wax ceeb ah in Hrithik ku cabaaday dhamaan dadka Bollywood-ka ka tirsan si uu ugu sheego in Kangana ka gar daran tahay”
“Sidoo kale wuxuu qof walbo sheekadan ugu sheegay in isaga la dulmiyay si Kangana shaqo u weyso sidoo kalena filim sameeyayaasha aysan wax cilaaqaad ah ila sameynin”
“Hrithik waxba ma fahmaayo waayo xiriirka waxaa soo xiri karaan labada qof ee uu ka dhaxeeyo balse ma ahan in dadka loo gudbiyo si ay talaabo u qaadaan”
“Aniga waxaan ahay qof awood badan cabaad iyo qeylo waxba la iigama qaadi karo waxaana ahay qof isku kalsoon marwalbana og talaabada ay qaadeyso waxa ka dhaln karo”

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment