Aad ayaan utebey macantaydii waa sheeko jacayl oo aad uxanuun badan

Bulsha:- Aqristayaasha qiimaha iyo qadarinta inaga mudan waxaan halkaan idiin kugu soo gudbineynaa qiso jaceyl oo xaqiiqo ah oo aad u xanuun badan. Qisadaan ayaa ku dhacday gabar u dhalatay wadanka Koofur Africa iyo wiil soomaaliyeed. Gabadha ay qisadaan ku dhacday waa Gabar muslimad ah una dhalatay wadanka koofur africa.

Waxayna ku nooshahay xaafada Atlantis ee magaalada Cape Town waxay magaceeda ku sheegtay Aisha Petersen. Ah 22 jir wiilka ay jaceylka la wadaagtay oo ah wiil soomaliyed ayay magaciisa ku sheegtay ismaaciil hasan. Oo ah bay tiri 21jir.

Aisha petersen waa hooyo heysata gabar yar oo ah MIRAHA jaceylka ay eyada iyo ismaaciil abuureen

Balse aysan ku faraxsaneyn nolosheda maadaama ay kali ku tahay jaceylki ay abooreen eyada iyo ismaaciil.

Waxba yaanan war idinku daalin bal aan hadalka u daayo mucaashaqada cidlada ku nool ee Caisha petersen.

Asalamu alaikum. Walalayal dhamaan meel walbo oo aad joogtaan waxaan ahay gabar muslimad ah udhalatay wadanka koofur Afrika waxaan ku noolahay xaafada atlantis ee magaaladatan cape town.

Waxaa iheysta murugo iyo uur ku taalo jaceyl oo farxad iyo reynreyn ku bilaabatay hadane aan uga noolahay cidlo iyo wehel la aan murugo iyo gacaliheyga oo aanan ogeyn meel uu ku nool yahay.

Gacaliyeheyga ismaaciil waa wiil soomaliyed waxaan kulanay horaanti sanadki 2008di wuxuu ka shaqeynayay dukaan ku yaalay xaafadeena ismaaciil wuxuu ahaa wiil aad u fir fircoon shaqadiisa ku ad adag mar walba u qosla dadka wax ka iibsada xaafadena wuxu ka ahaa wadani oo kale dadka oo idil way jeclaayen.

Wuxuu lahaa dabci aad u wanaagsan runti ma aanan arag wiil somaliyed oo sidiisa oo kale ah. Maalinti ugu horeysay ee aan wax ka iibsado wuu iga qosliyay inkasto oo luqada englishka ay ku adkeyd hadana wuu iga qosliyay waxan isku baranay si muslinimo iyo dadnimo leh.

Mar walbo Wuu ixtiraami jiray waxaan noqonay saaxibo waxaan ka caawin jiray luqadaha wadanka looga hadlo wuxu aha nin aad u fahan fiican. Waan kulmi jirnaa maalin walbo mudo bil kadib waxaan daremay jaceyl balse kuma dhiiranin inaan bandhigto.

Waxaan sidi ku joognaba 3bil kadib ayaan aad u daremay jaceylka weyn ee aan u qaaday ismaaciil waxaan ugu tagay mehradiisa ganacsi oo uu ka shaqeynayay. Waxaan ka codsaday inaan kulano galabki wuu iga ogolaaday. Isaga o leh aisha ma dhib baa jira?

Waxaan ku iri maya gacaliye ee arrin yar ayaa jirto oo aan rabo inaan kaala tashado. Wuu iga ogolaaday inaan kulano galabki ayaan kulanay waxaan salaan iyo sheko kaftan leh kadib u sheegtay jaceylka aan u qaaday waa u soo dhoweyay wuxuna iga codsaday inaan fahmo inuu yahay nin shaqaale ah oo uusan heli karin jaanis uu goobta ganacsi uga fogaado.

Balse uu ku dadaali doono inaan wada kulano. Waxaan kulmi jirnay usbuuci 2 jeer xaafadayda ayuu iigu imaan jiray waxaan aheyn runti dad farxad ku nool o mar walbo ku sugan badaha jaceylka e macaanta badan.

Mudo kadib ayuu ismaaciil isna dhankiisa iiga sheegtay jaceylka uu ii qabo mana ka shekeyn karo farxada iyo waqtigi macaana ee aan iskula nooleyn ani iyo gacaliyaheyga ismaaciil mudo kadib waxaan noqonay dad aad isu jecel oo isku kalsoon isu faraxsan kaftanka iyo sheekada aysan kadhamaanin.

Waxaan go aansanay inaan is guursano oo nolosha isla wadaagno waxaan ogeysiinay Rerkayga oo ah reer muslim ah wayna ogolaaden si weyn ayay u soo dhoweyeen. Waxaana la go aamiyay inaan aqal galno dhamaadki sanadki 2009ki 22 september . Waxaan aheyn dad sugi la waqtiga aad ayaan u dharareynay. Waxaa dhacday in uur igu so baxo july 2009ki waxaan u sheegay ismaaciil aad ayuu ugu farxay.

Balse kuma uusan faraxsaneyn oo waxaa dhacday inuu yaraado kulankeena waxaan u gar tay inuu mashquul yahay oo uu ii shaqeynayo waana aamini jirax mar marsiiyo kasto oo uu ii sheego balse waxay wax walbo is badalen marki ay so dhowaatay waqtigi guurkeena.

Ismaacil ayaa mar qura isaga tagtay xaafada atlantis isaga oo aan ila sncodsiinin una wareegay xaafad kale waxaa bilaabtay murugo iyo walbahaar telkiisa wuu badalay.

Reerkeyga way yaabeen waxaan noqday xaamilo waxaan dhalay gabar bishii march sanadki 2010ki waxaan soo maray dhibaato iyo xanuuno fara badan waxaa hada ila nool gabadheyda farhiya oo si weyn ugu ek aabahed waxaad moodaa in laga gooyay ilaa iyo hadane war iyo wacaal kama heyno ismaaciil xataa ma ogi inuu ogyahay inaan u dhalay gabar.

Gabadheyda hadii ay iweydiiso aabahey aaway magaranayo ayaan ugu jawaabaa waxaan sameyo Ma aqaan waxaan go aan ku gaaray inaan cunugteyda farxad ku barbaariyo barana diinta islaamka kolka uu aab ahed yimaado aan aragno.

Aad ayaan u tabay macanaheyga ismaaciil. Ayay ku so gaba gabeysay hadalkeda caaisha. Waxayna dadweynaha soomaaliyed ka codsatay talo iyo tusaale.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment