Kala Baro Jacaylka Dhalanteedka ah Iyo kan Dhabta ah Qormo Aad Uxiisa Badan

Bulsha:- Waxaan Halkaan Ku Soo Gudbin Doonaa 20’ka Calaamadod Ee Lagu Garto Ruuxa Uu Hayo Jaceylka Dhabta Ah!!

1- Qofka sida dhabta ah wax u jeceli waxa uu u ilaaliyaa una sharfaa lamaanaha kale ee uu jecel yahay si ka badan sida uu u daryeelo naftiisa.

2- Lamaanaha aad sida dhabta ah u jeceshahay waxa uu noqdaa ka u danbeeya ee aad ka fikirto habeenkii iyo ka u horeeya ee aad ka fikirto subaxii.

3- Qofka Jacaylka rasmiga ahi heleelaa si dhab ah ayuu u ilmeeyaa una ooyaa mar kasta oo uu xasuusto lamaanaha uu u jecel yahay, Isaga/Iyada.

4- Mar kasta oo uu soo dhaco Tilifoonkiisu Iyada/Isaga waxa uu jecel yahay in uu noqdo codkii lamaanaha uu sida dhabta ah u jeclaa.

5- Mar kasta oo uu soo galo qol ay dad badani ka buuxaan waxa uu ka baadi doonaa oo uu indhaha la raacaaa in uu indhaha qac ku siiyo muuqaalka aragtida lamaanaha uu jecel yahay, Isaga/Iyada.

6- Hadii uu ogyahay halka uu joogo Lamaanaha uu jecel yahay masaafaday doonto ha jirtee wuu u boholyoobaa waanu u tagtaa.

7- Hadii Lamanaaha aad jeceshahay uu la socdo rag ama dumar kale, waa inuu muuqaalkiisu/muuqaalkeedu uu si gaar ah kaaga soocnaadaa bidhaan ahaan masaafo durugsan kuwa kale.

8- Marka uu ku soo eego Lamaanaha aad jeceshahay ee indhahaagu ay qabtaan indhahiisa waad naxdaa, garaaca wadnahaaaguna si aan caadi ahayn ayuu u sii kordhaa.

9- Mar kasta waad ka fikirtaa, wax kasta oo aad aragtaa way ku xasuusiyaan jecaylkiisa/jacaylkeeda, waxaanad jeceshahay hadal haynta iyo warka Lamaanaha aad jeceshahay, iyo maqalka codkiisa/codkeeda iLbidhiqsi kasta.

10- Qofka jecaylku biyo dhigaa kuma dhiirado in uu si caadi ah ula hadlo Lamaanaha uu jecel yahay, mar kasta oo uu la hadlana waxa uu dareemaa firka nax iyo Khajilaad saa’id ah kalgacal awgii.

12- Meel kasta, xilli kasta, iyo wax kasta oo uu qabanayo Qofka wax jeceli waxa qalbigiisa ka dhex guuxa lamaanaha Isaga/Iyada uu sida runta u jecel yahay.

13- Qofka sida dhabta ah wax u jeceli waxa uu bilaabaa dhegaysiga heesaha iyo miyuusiga dabacsan ee ay ku jiraan erreyada macnaha leh ee ku dhibca Qalbiga ee ku saabsan qiimaha, qadarinta iyo xushmada Jacaylka.

14- Qofka sida dhabta ah wax u jeceli waxa uu mar kasta door bidaa in uu ka maqlo lamaanaha kale ee uu jecel yahay in uu ka badheedho jacaylka oo uu ku yidhaahdo waan ku jecelahay.

15-  Hadii uu ku hayo Jacayl dhab ahi aragtida indhahaaga iyo qalbigaaga waxa aad ku lamaanaysaa Lamaanaha aad sida xaqiiqda ah u jeceshahay, mar walbana waxa aad jeclaataa ilaa xad ag joogiisa, muuqiisa, codkiisa iyo sheekadiisa Isaga/Iyada.

16- Uma quuro  Qofka wax jeceli lamaanaha uu jecel yahay been, khiyaamo iyo quursi, guusha horumarka noloshiisana waxa uu arkaa isaga oo hanta ku guulaysiga kasbashada Jacaylka Lamaanaha uu Jecel yahay.

17- Qofka wax jeceli dhamaan astaamaha midabyada bilicdasan ee quruxda iyo udgoonka u ah Kownka sida Ubaxyada waxa uu ku taxaa Qoor gashi uu u hibeeyo in uu qoorta u sudho Luqunta Lamanaaha uu Jecel yahay.

18- Waxa uu jeclaadaa in makhluuqa dunida ku nool oo dhami ay la jeclaadaan lana amaanaan Lamaanaha uu jecel yahay,

19- Wakhtigiisa qaaliga ah iyo naftiisaba waxa uu u huraa Lamaanaha uu jecel yahay hadh iyo habeenba.
20- Jacaylka dhabta ahi Ma gaboobo, Ma Gamashiyo, Ma Gudho, Ma Gaagaxo, Ma Gabnoobo, Mana Guuro Abidkii,

qofka wax jecelina kamana qanco yoolka jacaylkiisa wakhtigay doonto hala gaadhee, mana garawsado wax kasta oo xumaan ah oo lidi ku ah Lamaanaha uu jecel yahay ha yaraato ama ha badnaatee,

xumaan kasta oo uu leeyahay lamaanaha uu jecel yahay waxa shiikhiya jacaylka baaxada leh ee uu hayo. Wixi talo ama tusaale ah ee ku saabsan qormadaan ku soo hagaaji.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment