Xiiso Badanaa: Arjun Kapoor Iyo Parineeti Chopra Oo Markale Wada Shaqeyn Doonaan

Bulsha:- Marnaba ma hilmaami karno Arjun Kapoor iyo Parineeti Chopra bandhigii Classic ahaa oo ay ka muujiyeen filimkoodii Hit-ka noqday Ishaqzaade.

Haatana waxaa la xaqiijiyay in Arjun iyo Parineeti markale wada shaqeyn doonaan waxana wada saxiixdeen Director Dibakar Banerjee filimkiisa xiga.

Arjun Kapoor ayaa la sheegay inuu filimkaan ku matali doono Askari reer Haryani ah waana filim Action iyo qayaano isku jiro ah.

Sidoo kale Parineeti Chopra ayaa filimkaan atirisho kowaad ka noqon doonto waxaana laga hawl gali doonaa sanadkan 2017 gudihiisa.

Mashruucaan shirkada Yash Ra Films ayaa maal galin doonto waxayna shaqadiisa bilaaban doontaa bartamaha sanadkaan 2017.

Arjun Kapoor dhankiisa si rasmi ah ayuu u xaqiijiyay inuu filimkaan saxiixday waxaana la sugaa in Parineeti Chopra dhinaceeda iyada xaqiiso sameynta mashruucaan xiisaha badan.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment