Asian Super Star Jackie Chan Oo Salman Khan Kula Kulmay Mumbai (+Sawiro)

Bulsha:- Bhai of Bollywood (Salman Khan) ayaa magaalada Mumbai ee xarunta Bollywood-ka kusoo dhaweeyay Asian Super Star Jackie Chan oo safar shaqo ku yimid Hindiya.

Atooraha Sonu Sood ayaa ka dambeeyay in Jackie Chan uu Mumbai imaado madaama ay filimka Kung Fu Yoga waxayna Hindiya ku qaban doonaan barnaamijyo kala duwan oo ay filimkooda xayeysiin ugu sameyn doonaan.

Jackie Chan maalmo ka hor ayuu baraha bulshada soo dhigay Video uu Salman Khan ku salaamayo sidoo kalena ku sheegay inuu la kulmi doono marka uu Mumbai imaado.

Hadaba labadaan Super Star ayaa waqti wacan wada qaateen wuxuuna Salman Khan baraha bulshada soo dhigay sawirka sare idiin muuqdo oo ay Jackie Chan wada galeen.

Salman Khan ayaa Jackie Chan kula kulmay JW Mariott oo ku taalo xaafada Juhu Mumbai ka tirsan waxayna halkaas ku wada qaateen waqti wacan.


Dhinaca kale Salman Khan markii uu Jackie Chan la kulmay kadib wuxuu u amba baxay inuu ka qayb qaato arooska Shekhar Singh waxaana wiilkan aabo u ah Ashok Singh oo in ka badan 10-sano ahaa darawalka qaaska ah ee Mega Star Salman Khan.

Salman ayaa xafladaan madaxa geeyay kadibna sawir la galay arooska iyo aroosada sidoo kalena xaflada isaga tagay madaama uu hawlo badan xidigaan haatan gacanta ku haayo.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment