Bulsha:- Shah Rukh Khan ayaa daaha ka qaaday in saaxiibadiisa ugu wanaagsan ee uu adduunkaan ku heysto ay yihiin seddaxdiisa caruurta ah Suhana Khan, AbRam Khan iyo Aryan Khan.
51 sanno jirkaan Shah Rukh Khan ayaa ka mid ah atooreyaasha ugu mashquulka badan ee ka xamaasha shirkadda aflaanta dalka India ee Bollywood Industry.
Balse SRK waa nin si weyn uga warqaba qoyskiisa sidoo kalena waqti la qaata caruurtiisa. Keliya ma ahan aabe ka warqaba caruurtiisa ee sidoo kale saaxiib ayuu la yahay.
Shah Rukh Khan ayaa la weydiiyey haddii uu saaxiibo ka sameystay Bollywood 25kii sanno ee uu ka xamaalanaayey iyo inuu daaha ka qaado asxaabtiisa ugu dhow.
SRK oo qoslaya ayaana ku jawaabay: “Aryan, Suhana, Abraham… Iyaga ayaa ah saaxiibadeyda ugu wanaagsan”.

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment