Bulsha:- Qaar ka mid ah xiddigaha caanka ah ee shirkadda aflaanta dalka India ee Bollywood ayaa taageero buuxda u muujiyey filimka Kaabil ee ay hogaamiyaha ka yihiin Hrithik iyo Yami.
Akshay Kumar, xaaskiisa Twinkle Khanna, Hrithik iyo xaaskiisii hore Sussanne Khan ayaa ka mid ahaa dadkii caanka ahaa ee lagu arkay bandhig si gaar ah loogu daawanayey filimkaan ka hor inta aan tiyaatarrada la saarin.
Atariishada caanka ah Sonam Kapoor ayaa sidoo kake ka mid aheyd shaqsiyaadkii daawaday filimkaan oo tiyaatarrada la saari doono Arbacada 25ka bishaan Janaayo.
Akshay Kumar ayaa taageero buuxda u muujiyey filimka Hrithik Roshan oo ay deris yihiin. Twinkle iyo Sussanne ayaana ku sheekeystay goobta.
Atariishada filimka Haseeno Ka Deewana ee Urvashi Rautela ayaa sidoo kale goobtaan timid. Waxaana shaqsiyaadka kale ee yimid goobtaan isla markaana daawaday Kaabil ka mid ahaa Anil Kapoor, Javed Akhtar, Shabana Azmi, Neha Sharma, Rajkumar Hirani, Ashutosh Gowariker, Anupama Chopra,Vidhu Vinod Chopra, Aftab Shivdasani iyo xaaskiisa Nin Dusanj.
HALKAAN HOOSE KA DAAWO SAWIRRADA.

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment