Bulsha:- Keliya haweenka nasiibka leh ayaa shaashadda jaceyl kula wadaaga atooraha caanka ah ee shirkadda aflaanta Bollywood ee Shah Rukh Khan. Waxaana kasii nasiib badan atariishada filimkeeda ugu horreeya ee Bollywood nasiib u yeelatay inay la sameyso King Khan.
Atariishada reer Pakistan Mahira Khan ayaana isku heshay labadaas fursadood ee cajiibka ah, isla markaana aysan helin atariisho kasta. Si kastaba ha ahaatee, 32 sanno jirtaani waxay daaha ka qaaday inay si weyn uga niyadjabtay markii ay awoodi weysay inay xayeysiinta filimkaan kala qeyb qaadato SRK.
Iyadoo 51 sanno jirkaan la hogaamineysa filimka Raees, Mahira ayaa markeedii ugu horreysay laga daawan doonaa shaneemooyinka Bollywood 25ka bishaan Janaayo. Laakiin atariishada reer Pakistan Mahira Khan waxay daaha ka qaaday inay murugo fara badan dareentay waxaana u sabab ah colaadda ka dhexeysa dalkeeda Pakistan iyo India taasoo cirka isku sii shareertay sannadkii lasoo dhaafay.
Mahira ayaa loo sheegay in aysan ka qeyb qaadan karin xayeysiinta filimka Raees loogu sameynaayo dalka India isla markaana aysan kooxda filimkaan la midoobi karin maadaama jillaayaasha kasoo jeeda Pakistan loo diiday inay gudaha usoo galaan ciidda India.
Mahira oo ah atariishada waqtigaan ugu caansan dalkeeda isla markaana ah atariishada ugu mushaarka badan ee u dhalatay Pakistan ayaa taageereyaal badan ku leh dalka India maadaama musasalka Humsafar oo ay atariisho ka tahay laga daawado India. Balse filimka Raees baraha bulshada oo keliya ayey ku xayeysiin kartaa.
Mahira oo wareysi siisay shabakadda Dawn ee sida aadka ah looga akhristo dalkeeda Pakistan ayaa ka hadashay mustaqbalkeeda Bollywood iyo wax walba oo ay ka baratay SRK. Waxaana laga yaabaa in filimkaan Raees ee ay atariishada ka tahay aan laga daawan dalkeeda Pakistan.
Mahira oo arrintaas ka hadleysay ayaana tiri: “Waxaan doonayaa in dalkeyga laga daawado filimkaan. Waxaan doonayaa inuu shaqsi kasta daawado filimkaan adduunka meesha uu doonayo haka joogo. Asxaabteydu waxay markasta ii sheegaan inaan shaqo wanaagsan qabtay. Waxayna igu dhiirrigeliyaan inuu filimkaani guulo ganacsi sameyn doono.
“Balse waxaan doonayaa in shaqsi kasta uu daawado filimkaan iina sheego haddii aan qalad galay, waxaan doonayaa in la i bogaadiyo haddii aan shaqo wanaagsan qabtay, dadka dalkeyga ayaa aragti ahaan muhiim ii noqon lahaa… Waana jeclaan lahaa in filimkaan laga daawado dalkeyga, balse waa go’aan ku xiran dowladda”.
Inkastoo kooxda filimka Raees ay daaha ka qaadeen in filimkooda laga daawan doono Pakistan, hadana illaa haatan dowladda Pakistan kama hadlin arrinkaan. Waana go’aan la gaari karo daqiiqadda ugu dambeysa.
Mahira, Fawad Khan iyo Ali Zafar ayaa ka mid ah jillaayaasha u dhashay Pakistan kuwaasoo sannadkii lasoo dhaafay laga raacdeeyey Hindiya ka dib weeraradii lagu qaaday Uri. Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya labadaan dal ayaana heer cusub gaaray. Jillaayaasha u dhashay Pakistan ayaa laga joojiyey inay ka shaqeeyaan shirkadaha aflaanta India. Waxayna ka tageen mashruucyo bartamaha u maraayey. Mahira ayaa tiri: “Waa go’aan aad u xanuun badan.
“Ganaaxaan ay ina saartay dowladda India waa mid xanuun badan, waa ganaax nasiib darro ah. Lix bilood ka hor, maalin kasta sheeko cusub oo filim la xiriirta ayaa miiska ii saarneyd. Lix bilood ka dibna maalgeliyeyaasha aflaantu waxay ii sheegayaan in aysan filim ii heyn, inoo ogolaada inaan ku laabano masraxa”.
Mahira ayaa xitaa daaha ka qaaday inay ilmeysay markii ay awoodi weysay inay ka qeyb qaadato xayeysiinta loo sameynaayo filimka Raees ee gudaha India iyo dalalka kale ee caalamka: “Dalkeyga ayaan kusoo laabtay, hees cusub oo filimka ka mid ah ayaa soo baxday. Shaqsi kasta farriin ayuu iisoo dirayaa wuxuuna ii sheegayaa inaan shaqo wanaagsan qabtay. Gaariga dhexdiisa ayaan ku ooyey maadaama aanan tallaabo qaadi karin oo aanan u mahadcelin karin dadkaas. Wax ka badan 10 jeer ayaan iska ooyey.
“Balse waxaa farriin iisoo dirtay gabadha timaha ii hagaajineysay intii aan waday duubista filimka waxay igu tiri ‘Macsalaameey ooyinta sabbatoo ah markale ayaan kulmi doonaa’. Markasta waxaa i garab taagan agaasime Rahul Dholakia iyo qarash gareeye Ritesh Sidhwani. Waana uga mahadcelinayaa”.
Iyadoo ka hadleysay la shaqeynta Shah Rukh Khan, Mahira ayaa yiri: “Waa shaqsi cajiib ah, waa shaqsi daacad ah. Nolosha ayuu ii maceeyey. Intii aan filimka duubeynay wuxuu ii sheegi jiray waxa ay tahay inaan sameeyo iyo habka ay tahay inaan u sameeyo.
“Mar ayaan weydiiyey sababta uu ii saxaayo iyo haddii aanan jilliinka u sameyneyn sida saxda ah? Wuxuuna iigu jawaabay SRK ‘Fiiri, anigu waxaan kuu sheegayaa waxa aan aqaano khibrad ahaan. Jilliinka habka aad u garaneyso waad u sameyn kartaa laakiin marka aad shaashadda ka aragto wixii aad sameysay iima imaan kartid adigoo i dhahaya ‘Maxaad iigu sheegi weysay inay aheyd inaan sidaas sameeyo!’.
“Guud ahaan, SRK waa shaqsi aad u cajiib ah. Waa shaqsi qalbiga ka hadla. Balse waxaa jira waxyaabo aadan isaga kala sheekeysan karin. Sharaf ayey ii tahay inaan la shaqeeyo sidoo kalena fursad u helay inaan wax badan kala sheekeysto”.
Mahira Khan ayaa daaha ka qaaday inay ka dhabeysay riyadeeda maadaama ay si heer sarre ah ku bilaabatay xirfaddeeda shaqo ee Bollywood iyadoo filimkeedii ugu horreeyey la wadaagtay King Khan.
“Aad ayaan ugu faraxsanahay xirfaddeyda Bollywood. Balse waxaa iga maqnaa inaan filimka wax ka xayeysiiyo. Inaan wareysiyo la bixiyo Shah Rukh Khan, sababtoo ah filimka aniguba door ayaan ku leeyahay”. Ayey hadalkeeda kusoo koobtay Mahira oo aan qalbigeeda waxba ku reeban.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment