Miyey Anushka Sharma Duubtay Qeybtii Ay Ku Laheyd Filimka Ka Hadlaya Taariikhda Sanjay Dutt?

Bulsha:- Filimsameeye Rajkumar Hirani iyo kooxdiisa ayaa bilaabay duubista filimka looga hadlaayo taariikhda halyeeyga Bollywood Sanjay Dutt.

Filimkaan ayaa waxaa hogaamiye ka ah Ranbir Kapoor, waxaana doorar muhiim ah ka ciyaari doona Sonam Kapoor, Dia Mirza, Vicky Kaushal iyo xiddigo kale oo caanka ah Bollywood.

Waxaana xiddigahaas ka mid ah atariishada caanka ah Anushka Sharma taasoo door muuqaal marti ah ku yeelan doonta filimkaan, waxayna noqon doontaa markii ugu horreysay ee ay Anushka muuqaal marti ah ku yeelato filim Bollywood ah.

28 sanno jirtaan ayaa lagu soo waramayaa inay durba dhammeystirtay qeybtii ay ku laheyd filimkaan iyadoo duubista bilowday 17kii bishaan Janaayo. Anushka Sharma ayaa si degdeg ah u aqbashay codsigii Filimsameeye Rajkumar Hirani maadaama uu yahay shaqsi ay aad u ixtiraamto.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment