Bulsha:- Atriisashada caanka ah Hollwyood ee u dhalatay Mareyanka ee Lindsay Lohan ayaa la sheegay in ay qaadatay diinta Islaamka oo ay soo muslimtay.
Warar hoose oo laga helay atriishadan ayaa sheegaya in ay ku Islaamtay magaalada Dubai oo ay waayahan daganeyd halkaasoo ay afka carabigana ku baraneyso.
Lindey Lohan ayaa waxaa arrintaan ay soo shaacbaxday kadib markii ay tirtirtay sawiradeedii Instagramka ugu jiray oo dhan iyadoo kusoo qortay Wacaleykum Wasalaam kaliya oo ah salaanta Islaamka.
Waxaa la xasuustaa in Lindsey Lohan lagu arkay laba sano kahor kutaabka quraanka iyadoo wadato waxaana sidoo kale la ogaa in waayahaan ay caawineysay qaxootiga Syria ee jooga dalka Turkiga iyadoo lagu arkay dhowr jeer iyadoo xijaab ku labisan.

Jilaa.com
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment