Bulsha:- Filimka Ok Jaanu oo ay hogaamiye ka yihiin Aditya Roy Kapur iyo Shraddha Kapoor ayaa laga soo bandhigay ganacsiga uu sameeyay mudo 10-maalmood ee uu gudaha Hindiya tiyaataradiisa saaran yahay.
Ok Jaanu wuxuu sameeyay hoos u dhac weyn asigoo todobaadkiisa labaad sedexda maalmood ee ugu horeyso (Second Weekend) keenay 2.65 Crore (Trade Figure).
Ok Jaanu waxaa todobaadkiisa labaad ka lacag badiyay filimka Dangal oo mudo todobaad gudaha Hindiya laga daawanayo midaasna waxay ka dhigan tahay in filimkaan uu diidmo xoogan la kulmay.
Fadlan hoos kaga bogo Ok Jaanu ganacsiga uu sameeyay mudo 10-maalmood ah:
Todobaadka kowaad – 17.16 Crore
Jimcada labaad – 60 Lakh
Sabtiga labaad – 90 Lakh
Axada labaad – 1.15 Crore
Todobaadka labaad – 2.65 Crore (Mudo Sedex Maalmood Ah)
Wadarta Guud – 19.81 Crore (Trade Figure)
Sida muuqato filimka Ok Jaanu cimri ahaantiisa 21 Crore ma dhaafi doono waana filim guul dareestay oo Flop ah sidoo kalena heerkii laga filaayay gaari waayay.
Xitaa waxaa markii hore lagu sadaaliyay inuu 28 Crore gudaha Hindiya kasoo xareen karo balse sadaashii laga bixiyay wuxuu ka gaabiyay 25%!
Dhinaca kale filimka Hollywood-ka ah Return Of Xander Cage ee Deepika Padukone iyo Vin Diesel hogaamiye ka yihiin ayaa isagana shabakada Boxoffice India soo bandhigtay ganacsiga uu gudaha Hindiya ka sameeyay mudo 10-maalmood ah.
Filimka Return Of Xander Cage wuxuu sameeyay 60% hoos u dhac ah todobaadkiisa labaad sedexda maalmood ee ugu horeyso ganacsiga uu sameeyay marka lala bar bar dhigo todobaadkiisa kowaad isla xiligaas oo kale lacagaha uu keenay.
Filimka Return Of Xander Cage wuxuu keenay 6.25 Crore (Trade Figure) todobaadkiisa labaad sedexda maalmood ee ugu horeyso (Second Weekend).
Fadlan hoos kaga bogo mudo 10-maalmood lacagaha uu filimka Return Of Xander Cage kasoo xareeyay gudaha Hindiya:
Todobaadka kowaad – 26.09 Crore
Jimcada labaad – 1.50 Crore
Sabtiga labaad – 2.25 Crore
Axada labaad – 2.50 Crore
Todobaadka labaad – 6.25 Crore (Mudo Sedex Maalmood Ah)
Wadarta Guud – 32.34 Crore (Trade Figure)
Filimka Return Of Xander Cage cimri ahaantiisa gudaha Hindiya wuxuu ka keeni doonaa 35 Crore waana filim gudaha Hindiya ka guul dareestay oo Flop ah, kaliya guusha uu gaaray waxay tahay inuu filim Bollywood ah Boxoffice-ka ku garaacay madaama uu Ok Jaanu ka lacag badiyay.
Dhinaca kale filimka Filimka Return Of Xander Cage gudaha Mareekanka ganacsi liito ayuu ka sameeyay sedexdiisa maalmood ee ugu horeesay madaama uu halkaas ka keenay $20M.
Filimkaaan lagu qarash gareeyay $85M wuu ku fashilmay inuu ganacsi wacan ka sameeyo gudaha Mareekanka waana suuqa kowaad ee loogu tala galay inuu saameyn xoogan ku yeesho.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment