Maxaa Ka Jira Inay Isku Dhacsan Yihiin Labada Gabdhood Atariisho Alia Bhatt Iyo Director Rajshree Ojha?

Bulsha:- Warar xan ah oo si weyn isku soo tarayey ayaa sheegayey inay Alia Bhatt ku gacan seyrtay inay la shaqeyso gabadha agaasinka aflaanta Bollywood caanka ku ah ee Director Rajshree Ojha taasoo laheyd filimkii Aisha (2010).

Alia Bhatt ayaa la qorsheynaayey inay noqon doonto atariishada koowaad ee filimka Pargaash kaasoo ay agaasinkiisa leedahay Rajshree Ojha. Balse waxaa Isbuucyadii ugu dambeeyey soo baxayey warar sheegaya inay iska diiday filimkaan.

Hase yeeshee, wararkaas xanta ah waxaa haatan beeniyey ilo ku dhow atariishada dhallintayar ee Bolywood Alia Bhatt, oo 23 sanno jir ah. Balse wararku waxay haatan sheegayaan in aysan Alia markii h--eba saxiixin filimkaan.

Shaqsigaan aan la magac dhabin ayaa yiri: “Alia Bhatt marnaba ma aysan saxiixin filimkaan, sidaas darteed maxaa keeni kara inuu khilaaf dhexmaro iyada iyo Director Rajshree Ojha oo ay isaga baxdo mashruucaan”… Sidaas darteed wararkaan xanta ah ayaa haatan halkaan ku hakan doona.
Dhanka shaqada, Alia filimkeeda xigga wuxuu noqon doonaa Badrinath Ki Dulhania oo ay la hogaamin doonto Varun Dhawan. Filimkaan ayaana waxaa la daawan doonaa 10ka bisha May ee sannadkaan 2017ka.









_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment