Ilmo la'aanta dumarka iyo ragga oo ku badatay koonfurta Yurub ayay sheegtay warbixin cusub

Bulsha:- Dumarka ku nool Yrub ayaa yeelanaya ilmo yar , gaar haan kuwa ku nool koonfurta Yurub ayay sheegtay warbixin uu soo saaray Faransiiska.

Inka badan 20% dumarkii dhasay 1970- yadii ayaa ah ilmo la'aan ahaan kara, marka la barbar dhogo 15% waqooyiga Yurub iyo 18% galbeedka Yurub.

Sababaha ay ka midka yihiin suuqyada shaqada iyo shaqooyinka oo aan lahayn siyaasado u fiican dadka reerka leh ayaa ugu sabab ah ilmo la'aanta kordhaysa
Laakiin warbixinta ayaa sheegtay in ilmo la'aanta ay sidoo kale aad u badnayd hal qarni ka hor.

17-25% dumarka dhashay tobankii sano ee ugu horeeyay qarnigii 20-naad ayaa ahaa ilmo la'aan. Sababaha ayaa waxaa ka mid ahaa niman badan oo ku dhintay dagaalkii koowaad ee adduunka, saamayntii hoos u dhacii dhaqaale ee xumaa ee 1929 iyo dhalinyaro niman ah oo waddamada saboolka.
Dumar yar ayaa qorsheeya inaysan ilmo dhalin, laakiin xaalada ay ku jiraan darteed ayay dib u dhigtaan inay ilmo dhalaan kadibna waqtiga ayaa ku dhamaada.



Ilmo la 'aanta ayaa sidoo kale sii kordhi doonta bartama iyo bariga Yurub ayay warbixinta sheegtay.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment