Bulsha:- Shaqsi kasta ayaa doonaya inuu shaqo ka helo shirkad weyn oo caalamka caan ka ah, laakiin waa inuu marka h--e soo diyaariyaa codsi uu ku qancin karo iyo taariikhdiisa howlkarnimo. Balse si sahal ah ayaa codsigaas looga qaban karaa ka dibna loo jeexjeexi karaa.
Dabcan, shaqsigaasi wuxuu wajahayaa niyadjab weyn, laakiin wiil u dhashay Mareykanka ayaa qaaday tallaabadii ugu fiicneyd illaa haatan si uu shaqo uga helo mid ka mid ah shirkadaha ugu waa weyn dhanka tiknoolajiyadda ee dalka Mareykanka.
Magaciisu waa Lukas Yla wuxuuna muddo bil ah ku sugan yahay San Francisco isagoo kasoo guuray Lithuania, si joogto ah ayuu tayadiisa ugu muujinayey shirkadaha waa weyn ee dhanka tiknoolajiyadda.
Si kastaba ha ahaatee, inta badan shirkadaani waa ay iska indhotireen inay shaqo siiyaan wiilkaan dhallinyarada ah. Lukas Yla ayaana wuxuu qaaday tallaabadii ugu macquulsaneyd ee uu shaqo uga heli karay shirkadda Bay Area Tech ee dalka Mareykanka.
Lukas Yla ayaa wuxuu iska dhigay ninka mootooyinka ku keena cunnooyinka. Wuxuuna adeegsaday kartoon ay ku qoran tahay Mr. Holmes Bakehouse Doughnuts With A Pitch: Give Him A Job. Markastana kartoonkaas ayuu cunnada ugu keenaa shirkadda uu shaqada ka doonayo.
Lukas Yla intaas oo keliya kuma uusan simin qorshihiisa uu shaqada uga doonayo shirkaddaan tiknoolajiyadda ee marka la furo kartoonka ay cunnadu ku jirto wuxuu kusoo qoray farriin u dhigneyd: “Codsi shaqo oo kasta oo la idiin soo gudbiyo qashinka ayaad ku dartaan, laakiin codsigeyga calooshiina ayaad qashin ahaan ugu shubi doontaan”… Waana sax oo cunnada calooshooda ayey gelin doonaan.
Yla, oo 10 wareysi laga qaaday balse aan weli wax shaqo ah helin, ayaa shirkado badan u geeyey raashinkaan nuuca delivery-ga loo yaqaano ah waana in ka badan 40 kartoon shirkaddiiba waxaana ka mid ah shirkadaha uu u geeyey Lyft, Uber, Instacart iyo Postmates, wuxuuna qorsheynayaa inuu sii wado howshaan illaa shirkadaha tiknoolajiyaddu ay shaqo ka siinayaan.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment