Bulsha:- Dad dalxiisayaal ah oo ka yimid wadanka Switzerland kuna sii jeeday gudaha wadanka Faransiiska ayaa xili ay marayeen buuraha magaalada Lyon waxaa qabsatay Ceyryaamo wadata Qiiq iyo qaboow.
Darawalkii Baska waday oo wax arki waayay ayaa waxaa ka dhumay Koontaroolka kaas oo Baskii kala dhacay buundo ama Buur dheer . 5-qof oo ka mid ah rakaabkii saarnaa Baskaan ayaa geeriyooday halka 13 kalana dhaawac noqdeen.
Qaar ka mid ah wadamada Yurub waxaa ka jira Ceyryaamo qiiq ama daruur wadata taas oo maalinta cad ka dhigeeysa habeen ama mugdi . Wadamada Buuraha leh ee ku yaal Qaarada Yurub ayaa xiliyada ay socoto Ceyryaamada waxaa la xiraa wadooyin muhiim ah .
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment