Bulsha:- Hrithik Roshan filimkiisa maalinta kowaad uma ahayn maalin wanaagsan madaama Boxoffice-ka siweyn uu SRK oo Raees wato ku garaacay.
Balse Kaabil duhurnimadaan maanta wuxuu sameeyey sare u kac aad u weyn wuxuu hadda ku furmay 75 Ilaa 80 Boqolkiiba, welina waxaa usii dhiman caawa oo la rajeenayo inuu gaaro meel aad u sareyso.
Filimkaan ayaa waxaa la filayaa inuu maalinta labaad keeni doono qiyaas ahaan lacag gaareyso ilaa 15 Crore haddii aysan xaaladda caawa is badalin.
Kaabil siweyn ayuu kaga faa’iideesan doonaa fasaxa weyn ee maanta Hindiya ka jiro waana maalinta Jamhuuriga (Republic Day) oo ah maalin dadka oo dhan shaqada ka nasanayaan.
Tiyaatarada ugu waa weyn Hindiya waxaa laga soo tabinayaa in Kaabil dadka duhurkaan usoo daawasho tageen ay labo laab ka badan yihiin kuwii shalay usoo daawasho tageen waana arin aad u wanaagsan.
Kaabil si wanaagsan ayuu maalintiisa labaad ku furmay waxaana muuqato in fasaxa maanta jiro filimkaan siweyn kaga faa’iideesan doono.
La Soco Filimside Wey Kula Wadaagi Doontaa Caawo Fiidkii Iyo Lacagaha Guud Ee Uu Qiyaas Ahaan Kaabil Maalintiisa 2-aad Keeno.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom

Blogger Comment
Facebook Comment