Varun Dhawan Iyo Alia Bhatt Oo Taageerayaashooda Ku Salaameen Calanka Hindiya

Bulsha:- Labada dhalinta yar ee gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka laga jecel yahay Varun Dhawan iyo Alia Bhatt ayaa maanta taageerayaashooda ku salaameen calanka Hindiya.

Madaama maanta ay tahay maalinta Jamhuuriga Hindiya sidoo kalena loo dabaal dago Ciidanka Hindiya jiritaankooda waxay Varun iyo Alia soo qaateen calanka Hindiya si ay dalkooda u weyneeyaan.

Varun Dhawan iyo Alia Bhatt waxay isla soo wadaan filimka Badrinath Ki Dulhania oo 30-ka bishaan Janaayo laga soo bandhigi doono goos goos kooban.

Waxaana filimkooda Badrinath Ki Dulhania la daawan doonaa 10-ka Maarso 2017 waana filim siweyn loo sugaayo oo uu Karan Johar soo saare ka yahay halka Shashank Khaitan uu Director ka yahay.
Varun Dhawan ayaa sawirada sare baraha bulshada soo dhigay asiga iyo Alia Bhatt wuxuuna soo raacsiiyay “Waxaan qof walbo u rajeenaa faraxd faro badan oo ku aadan maalinta Jamhuuriga, waxan heesanaa wax badan oo aan ku faano, mustaqbalka jiilka Hindiya ayaa iska leh”








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment