Bulsha:- Malyuun Axmed Xasan Waxay kamid tahay Dadka dagan Agagaarka Hotelka Dayax ee magaalada Muqdisho, waxayna ka warbixisay Wixii qabsaday markii ay dhex gashay Xabada iyo Qaraxyada oo socda, Iyadoo doonaysa Inay Caruurteeda kasoo saarto Dugsii Qur’aan ku dhegan Hotelka Dayax, Waxayna sheegtay inay u ahayd maalinti ugu naxdinta iyo Mrugada badneyd,
“Waxaana dugsiga Qur’aanka ku maqnaa Labadii Gabdhood ee aan dhaley iyo Gabar walaashey dhashey oo hal boosbaa ka xigey goobta ay wax ka baranayeen Huteelka La weearay, anigu wakhtigaasi guriga Ayaan Ku sugnaa markii qaraxa ugu horeyey dhacey, markiiba waxaan xasuustey gabdhihii iney Iga maqanyihiin rasaas xoogan ayaa soconeysey waana kusoo Cararay Markiiba “
“Rasaastu agtayada ayey Ku dhaceysey, waxaa nalaga hor keenay qaarka mid ah ardeydii oo dhaawaca gurigii ayaa Ku dumey Ardeyda markaa dareenkeygu Runtii garan maayo suu noqdey intii yareyd ee aan sii ordayey alle ayaa mahadaas iska leh waanu heley caruurtii oo an waxba gaaadhiin “.
Qaraxyadii iyo Weerarkii lagu Qaaday Hotelka Dayax ee Muqdisho ayaa gaystay Khasaare Nafeed oo badan.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom

Blogger Comment
Facebook Comment