DAAWO:- : Hrithik Roshan Oo U Dabaaldegay Dhalashadiisa 43aad, Wuu Jecel Yahay Nabadda Oo Wuxuu La Socdaa Sussanne Khan

Bulsha:- Hrithik Roshan ayaa wuxuu 43 sanno jirsaday 10kii bishaan Janaayo oo ku beegneyd Talaado. Wuxuuna ka yaabsaday labadiisa wiil markii uu xafladda sannad guurada dhalashadiisa ku casuumay xaaskiisii ay kala tageen Sussanne Khan.
Sussanne Khan iyo Hrithik Roshan ayaa markale soo bandhigay in uusan wax khilaaf ah ka dhexeyn inkastoo ay nolosha isku firaaqeeyeen. Xafladdaan ka dhacday hoteel ku yaalla Mumbai ayaana aheyd mid aad u shidan.

Xaqiiqadu waxay tahay labadooda oo xilli ahaan jiray shimbirihii jaceylka Bollywood ayaa xafladdaan ku yimid hal gaari. HR wuxuu fadhiyey kursiga koowaad, halka Sussanne ay fadhisay kursiga dambe. Caruurtooda Hrehaan iyo Hridhaan ayaana ku wehliyey gaarigaan.
HR wuxuu xirnaa funaanad madoow oo ay ku qoran tahay I Love Peace. Wuuna jecel yahay nabadda maadaama uu la socday Sussanne Khan. Halkaan hoose ka daawo sawirro.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment